Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo walaac ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada oo ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya oo walaac  ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada oo ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, March 09, 2015- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  waxa ay walaac xoog leh ka muujineysaa tahriibka iyo socdaalka sharci darada ee ay ku kacaan dhalinyarada Soomaaliyeed , kuwaasi oo qaarkood ku waaya naftooda inta ay ku guda jiraan socdaalka , ama loola bareero dhibaatooyin ay ka mid yihiin kufsi , jirdil iyo ku shaqeysi qasab ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , waxa ay u aragtaa tahriibka mid dhabarka ka jabinaya jiilkii cusbaa ee dalku u baahnaa inay kaga qeyb qaataan dib u dhiskiisa  iyo horumarkiisa .

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay kala kaashan doontaa Dowlado iyo hey’ado sidii loo dejin lahaa qorshe lagu xakameynayo socdaalka sharci darada ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay naftooda ugu biimeeyaan Wadamada Angola,South Africa, Yemen , Saudi Arabia , Sudan , Libya iyo Italy , iyagoo ka tallaabaya dhul saxaro ah oo halis badan, badweynta India , Badda Cas iyo badda Mediterranean  oo doomaha cinjirka ah ee ay ku socdaalaan ay inta badan kula degto.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, waxa ay ugu baaqeysaa waalidiinta Soomaaliyeed  inay kaalin muuqata ka qaataan wacyigelinta caruurtooda , kuna baraarujiyaan qatarta tahriibku leeyahay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , waxa ay muujin doontaa dadaalo dheeraad ah  , iyadoo la kaashaneysa qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha saaxiibka ah iyo Ururo caalami ah si loo hakiyo gebi ahaan dhaq dhaqaaqa dadka wax tahriibiya , loona suura-geliyo in la horkeeno cadaaladda.

—DHAMMAAD—

Previous Post

“Daawo’Sawirrada marwada madaxweynaha oo qado u sameysay haween Soomaaliyeed

Next Post

Drs Khadra Bashiir oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian ”SAWIRRO”

Next Post
Drs Khadra Bashiir oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian ”SAWIRRO”

Drs Khadra Bashiir oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian ”SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In