Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay Marxuum Jeneraal Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi dheere)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Jeneraal Cabdi Maxamed Samatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, Wasiiru dowlaha Mudane Balal Maxamed Cusmaan, Wasiir kuxigeenka Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Jeneraal Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi dheere), oo ahaa sarkaal boolis oo ka badbaadiyay boob iyo burburin keydka waraaqaha iyo dukumintiyada Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo maanta oo Talaado ah, 15 June, 2021 ugu geeriyooday Caasimadda Muqdisho xaalad caafimaad darro oo la soo gudboonaatay muddooyinkii dambe ee noloshiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa u dalacsiiyay Cabdi Dheere darajada Jeneraal bishii July 4, 2018 kadib munaasabad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada “Villa Somalia”.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Marxuum Cabdi Dheere oo hore uga mid ahaa ilaaladii booliska ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya ugu xilsaarnaa amniga xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa dadaal ballaaran ku bixiyay difaacidda xarunta Wasaaradda markii ay burburtay dowladda sanadkii 1991.

Jeneraal Cabdi dheere oo dhaawac uu ka soo gaaray badbaadintiisii Arkiifiyada Wasaaradda oo yaallay dukumintiyada Wasaaradda Arrimaha Dibadda tan iyo maamulkii daakhiliga iyo wixii ka dambeeyay markii Soomaaliya ay gobonnimada qaadatay ayuu la itaal daraynayay sanadihii dambe.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday da’da 67 sano-jir , isagoo ku dhashay Degmada Gelinsoor ee Gobolka Mudug , kuna biirray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadkii 1975, waxaana uu ifka kaga tagay labo xaas iyo 5 caruur ah oo kala ah labo hablood iyo seddex wiil.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cusbitaal Madiina ku booqday dhaawacyada dhallinyaradii ku dhaawacantay qarixii argagixisanimo “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cusbitaal Madiina ku booqday dhaawacyada dhallinyaradii ku dhaawacantay qarixii argagixisanimo “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cusbitaal Madiina ku booqday dhaawacyada dhallinyaradii ku dhaawacantay qarixii argagixisanimo "SAWIRRO"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In