Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Danjire Caabi, kana warbixisay taariikhdiisa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, May 14 , 2018 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Abdurrahim Abby Farah oo xalay oo taariikhdu ku beegnayd May 13, 2018 ku geeriyooday Magaalada New York.

Ambassador Abdurrahim Abby Farah ayaa ka bilaabay shaqadiisii ugu horreysay Maamulkii Daakhiliyada ee Soomaaliya, loona yiqiin “The Trust Territory of Somaliland”, waxaana uu ka shaqeynayay intii u dhexeysay 1951-1960, isagoo noqday Agaasimaha Adeegga Warfaafinta Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025

Intii u dhexeysay 1961-1965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Ethiopia, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalkaasi loo wakiisho.

Sidoo kale, sanadkii 1962 waxa uu wkiil uga ahaa Soomaaliya Guddiga Dhaqaallaha Qaramada Midoobey ee Afrika.

Sidoo kale, Intii u dhexeysay 1964-1965 waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u matalay kulamadii Golaha Wasiirada ee Ururkii Midnimada Afrika “Organisation of African Unity (OAU)”.

Intii u dhexeysay 1965-1972, waxa uu ahaa Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya ee Xarunta Qaramada Midoobey ee New York.

Sanadkii 1966 ayuu muddo kooban noqday Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Intii u dhexeysay 1969-1972, waxa uu ka mid noqday Shaqaallaha caalamiga ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa, isagoo loo magacaabay Madaxa Guddiga Qaramada Midoobey ee gaarka ah ee la dagaalanka midab takoorka, waxaana uu shirguddoomiyay fadhi gaar ah oo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo qabsoomay sanadkii 1972.

Intii u dhexeysay 1973-1978, waxa uu noqday Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaasadda.

Sanadkii 1990 ayuu galay da’da howlgabka isaga oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee Qaramada Midoobey.

Marxuum Cabdiraxiim Caabi Faarax oo da’diisu ahayd 99 sano-jir, ayaa ku dhashay Magaalada Barry ee Wales, UK, bishii October 22, 1919.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Taliyaha ciidanka Booliska oo xafiiskiisa kulan kula qaatay ku xiggeenka Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

Wasiirada Caafimaadka Soomaaliiya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Next Post
Madaxweynaha iyo Amiirka Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal “SAWIRRO”

Wasiirada Caafimaadka Soomaaliiya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay ururrada siyaasadda ee u tartamaya...

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In