Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Danjire Caabi, kana warbixisay taariikhdiisa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeysay geerida Abwaan Cali Sugule
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, May 14 , 2018 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Abdurrahim Abby Farah oo xalay oo taariikhdu ku beegnayd May 13, 2018 ku geeriyooday Magaalada New York.

Ambassador Abdurrahim Abby Farah ayaa ka bilaabay shaqadiisii ugu horreysay Maamulkii Daakhiliyada ee Soomaaliya, loona yiqiin “The Trust Territory of Somaliland”, waxaana uu ka shaqeynayay intii u dhexeysay 1951-1960, isagoo noqday Agaasimaha Adeegga Warfaafinta Soomaaliya.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Intii u dhexeysay 1961-1965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Ethiopia, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalkaasi loo wakiisho.

Sidoo kale, sanadkii 1962 waxa uu wkiil uga ahaa Soomaaliya Guddiga Dhaqaallaha Qaramada Midoobey ee Afrika.

Sidoo kale, Intii u dhexeysay 1964-1965 waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u matalay kulamadii Golaha Wasiirada ee Ururkii Midnimada Afrika “Organisation of African Unity (OAU)”.

Intii u dhexeysay 1965-1972, waxa uu ahaa Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya ee Xarunta Qaramada Midoobey ee New York.

Sanadkii 1966 ayuu muddo kooban noqday Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Intii u dhexeysay 1969-1972, waxa uu ka mid noqday Shaqaallaha caalamiga ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa, isagoo loo magacaabay Madaxa Guddiga Qaramada Midoobey ee gaarka ah ee la dagaalanka midab takoorka, waxaana uu shirguddoomiyay fadhi gaar ah oo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo qabsoomay sanadkii 1972.

Intii u dhexeysay 1973-1978, waxa uu noqday Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaasadda.

Sanadkii 1990 ayuu galay da’da howlgabka isaga oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee Qaramada Midoobey.

Marxuum Cabdiraxiim Caabi Faarax oo da’diisu ahayd 99 sano-jir, ayaa ku dhashay Magaalada Barry ee Wales, UK, bishii October 22, 1919.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Taliyaha ciidanka Booliska oo xafiiskiisa kulan kula qaatay ku xiggeenka Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Next Post

Wasiirada Caafimaadka Soomaaliiya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Next Post
Madaxweynaha iyo Amiirka Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal “SAWIRRO”

Wasiirada Caafimaadka Soomaaliiya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In