Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Maxamed Cumar (Dhigic dhigic) oo Canada ku geeriyooday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 10, 2020
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka tacsiyadeysay geerida Marxuum Maxamed Cumar (Dhigic dhigic) oo Canada ku geeriyooday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Maxamed Cumar Jaamac Ismaaciil (Dhigic dhigic) oo noqday Wasiirkii Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Safiir hore oo habeennimadii Isniinta, 6 April, 2020 ku geeriyooday Magaalada Toronto ee dalka Canada.

Danjire Maxamed Cumar Jaamac Ismaaciil (Dhigic dhigic)

Marxuum Maxamed Dhigic dhigic oo Qaranka Soomaaliyeed ugu adeeggay si daacadnimo oo nafhurnimo leh muddo ku dhow 23 sano, ayaa 15 sano ka mid ah ka shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda, isagoo mar noqday Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliya, waxaa kadib dhammaadkii todobaadtanaadkii loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Biljimka, afar sano kadib abaarihii sanadkii 1981 waxaa loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga, muddo sanado kadib waxaa dib loogu magacaabay inuu Safiir ka noqdo isla dalka Biljimka, isagoo lagu xusuusto kaalinta mudnaanta leh ee uu ka qaatay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalka Biljimka iyo guud ahaan wadamada Yurub.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Danjire Maxamed Cumar Jaamac Ismaaciil (Dhigic dhigic) waxa uu tan iyo qaran burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya uu ku noolaa dalka Canada, isagoo kaalin muhiim ah oo muuqata ka qaatay yagleelidda iyo dhidiba u taagidda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanadkii 1998, isagoo ka mid ahaa aqoonyahankii iyo indheergaradkii ka soo jeedday deegaannadaasi ee dib ugu soo laabtay dalka si maamul goboleedkaasi ugu saldhigaan.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Nuur Cadde oo lagu aasay London

Next Post

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay dhagarqabe watay walxaha qarxa

Next Post
Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay dhagarqabe watay walxaha qarxa

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay dhagarqabe watay walxaha qarxa

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In