Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyeeysay geerida Danjire Cabdulaahi Hasan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdusalaam Hadliye Cumer , Wasiiru dowlaha Khaled Omar Ali, Wasiir ku xigeen-ka  Ahmed Cali Mohamed (Kadiye),Xoghayaha joogtada  Cali Maxamed Cali,  Agaasimayaasha Waaxyaha,Safiirrada, Qunsulada guud ,Diblomaasiyiinta,La taliyeyaasha Wasaaradda iyo Dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah u naxariistee Danjire Abdullahi Hassan Mohamud oo maanta oo Axad, November 22 , 2015 ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Marxuum Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda sanadkii 1987,xilligaasi oo loo magacaabay Safiirkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Algeria .

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026

Sanadkii 1990, waxaa loo badalay, loona magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Ergeyga Joogtada ee dalkeena uga wakiilka ah Ururka Jaamacadda Carabta , xilkaasi oo uu hayay tan iyo maanta .

Allah u naxariisto , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud , waxa uu ku matalayay kulamada kala duwan ee Jaamacadda Carabta Magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddo dhan 25 sano , isagoo shirgudoomiyay fadhigii heerka Wasiir Arrimo Dibadeed ee Jaamacadda Carabta , wareegiisii 123,aad ee qabsoomay March , sanadkii 2000.

Sanadkii 1996 ,dii waxa uu ku fariistay Kursiga Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira , isagoo matalayay Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Mudadii qaran burburka dalka uu ka jiray , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qeyb galay shirarkii dib u heshiisiinta ee kooxihii Siyaasadda Soomaaliya ku loolamayay loogu kala qabtay Magaalooyinka Qaahira , Addis Ababa iyo Carta , xubinnimo Baarlamaan oo loogu doortay Shirkii Carta- Djibouti sanadkii 2000 ayuu ka tanaasulay .

Danjire Cabdullahi Xassan Maxamud oo si weyn ay u yaqaanaan diblomaasiyiinta ,siyaasiyiinta carbeed iyo kuwa Afrika ayaa ka hor inta aanu ku soo biirin howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ahaa sanadkii 1970 –kii Macallin wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalka , iyadoo isla sanadkii 1972 –kii uu sidoo kale Macalin ka noqday Jaamacaddii Ummadda , isla sanadkaasi waxaa sidoo kale loo dalacsiiyay in uu maamule ka noqdo dugsigii Jamaal Cabdinaasir oo ahaa xilligaasi xarumaha waxbarasho ee ugu tayada wanaagsanaa dalka .

Sanadkii 1974- 1976 kii waxaa uu ahaa Iskuduwaha Waxbarasho ee gobolada Mudug, Banaadir iyo Xoghayaha guud ee goobaha waxbarasho ee guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sanadkii 1981 – kii waxaa loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Jabhadaha .

Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qaatay Darajada Licentiate ee Luqadda Carabiga iyo Culuumta Islaamka ,Kulliyadda Dar Al-ulum ee Jaamacadda Qaahira sanadkii 1969-kii .

Marxuum Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud oo ifka kaga tagay laba xaas iyo 8 caruur ah, ayaa ku dhashay degmada iimeey sanadkii 1943 .

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

 

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Danjirayaasha Soomaaliya ee Kuwait & Suudaan oo ka tacsiyeeyay geerida Danjire Cabdulaahi

Next Post
Danjirayaasha Soomaaliya ee Kuwait &  Suudaan oo ka tacsiyeeyay geerida Danjire Cabdulaahi

Danjirayaasha Soomaaliya ee Kuwait & Suudaan oo ka tacsiyeeyay geerida Danjire Cabdulaahi

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In