Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo ku qabatay Muqdisho shira isdhexgalka Qurbajoogta iyo Gudajoogta+Sawirro

admin by admin
April 10, 2019
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo ku qabatay Muqdisho shira isdhexgalka Qurbajoogta iyo Gudajoogta+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
Waxaa shalay ku qabsoomay Muqdisho Shirka isdhexgalka Qurbajoogta iyo Gudajoogta si loo xoojiyo aragti mideysan oo laga yeesho horumarka Soomaaliya, iyadoo shirku goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), tiro wasiirro ah iyo xubno kale oo kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Shirka waxaa soo qaban-qaabisay Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyadoo kaashanaysa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), taasi oo ka qeyb ah dadaalka lagu bixinayo dhiirrigelinta qurbajoogta Soomaaliyeed si ay u maalgeshtaan dalka, iyadoo tanina ay ka qeybqaadanayso kobaca dhaqaale iyo abuuridda fursado shaqo oo cusub.

Shirka oo ay ka qeybgaleen tiro badan oo Qurbajoog Soomaaliyeed iyo muwaadiniin daljoog ah ayaa looga dooday habka loo xoojin karo yididiilada Soomaalida ee nabadda, midnimada iyo horumarka dalka. qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha ayaa waxa ay ammaaneen muwadiniinta dal joogta ah sababo ku aaddan adkeysigooda iyo u sabridooda dhibaatooyinka.

Khudbad uu Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ka jeediyay shirka ayuu ku baaqay in la dardargeliyo dhiirrigelinta qurbajoogta Soomaaliyeed si dalka dib ugu soo noqdaan, ugana qeyb qaataan nabad dhisidda iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ka soo kabanaya muddo laba xilli oo dagaallo ah, isagoo sheegay in dalku si sugan oo lagu kalsoonyahay horusocod u samaynayo.

Previous Post

Shirkii u dhexeeyay Hay’adaha Dastuurka Dalka ee Kismaayo oo War-murtiyeed laga soo saaray

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In