Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo daah furtay shir ku saabsan dib u yagleelidda nidaamka diiwaangelinta Madaniga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha gudaha oo daah furtay shir ku saabsan dib u yagleelidda nidaamka diiwaangelinta Madaniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daahfurtay shir looga hadlayo dib u yagleelidda nidaamka diiwaangelinta madaniga ah ee Muwaadinka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayna ka qeyb galeen Wakiilo ka kala socotay Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta ee Federaalka, xuno ka socday Wasaaraadaha arrimaha gudaha dowlad gobaleedyada,  Madax ka tirsan hay’adda Istaraatiijiyadda Qaranka, Maamulka gobalka Banaadir, ururrada bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa looga hadlayay  dib u yagleelidda Nidaamka diiwaangelinta madaniga ah, taasi oo muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Saciid Cabdulaahi Calasow ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay qaadatay in dib loo soo celiyo Nidaamka diiwaangelinta dadweynaha, si loo helo macluumaadka qofka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa tilmaamay in nidaamkan muwaandinku uu ku helayo wakhtiga dhalashadiisa, ayna kala shaqeyn doonaan Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Federaalka, si loo gaarsiiyo deegaanannada maamulkaas.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha maamul gobaleedka koonfur galbeed Cabdimaalik Ibraahim Cabdulle, ayaa dhankiisa xusay in ay muhiimtahay in la helo qorshe suura galinaayo in si sax ah loo diwaan galiyo dadweynaha, si dib loogu soo celiyo nidaamyada diwaan-galinta xogta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiiru dowlaha arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Cabdinaasir oo furay shirka ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed, lana helo doono xog dhameystiran oo bulshada ku saabsan.

Shirka oo soconayo muddo labo cisho ah ayaa la filayaa in gaba gabadiisa laga soo saaro macluumaad dhameystiran oo ku saabsan hanaanka loo wajahayo Nidaamka diiwaangelinta dadweynaha.

Previous Post

Madaxda Wasaaradda Ganacsiga oo ka shirtay dar dargelinta howlaha horyaalla Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo saxiisay siyaasadda xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo saxiisay siyaasadda xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga oo saxiisay siyaasadda xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In