Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan soo dhaweyn ah u sameysay odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 20, 2019
in Wararka
0
Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo Arbacada ka furmaya Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan lagu soo dhaweynayay hannaanka doorashada xalay ugu qabatay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabadan lagu soo dhaweynayay xareynta odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga Farsamada maamul u sameynta Galmudug, Xildhibaanno ka tirsan labada Gola ee dowladda, Golaha Aqalka sare iyo Golaha shacabka, madaxda Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo qeybaha kale ee bulshada.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada iyo Maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa sheegay in waxyaabo badan la soo qabtay, isla markaana Talaadada soo socota ay bilaaban doonto xulista Xildhibaannada kadib marka ay odoyaashu la soo tashadaan cidkasta oo talada kala dhexeyso.

“Odoyaasha dhaqanka maalinta Talaadada soo socota waxa ay bilaabayaan soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug kadib marka ay latashiyo la sameeyaan cidkasta oo talada kala dhexeyso, si looga soo buuxiyo foom oo ay ku keenaan Xildhibaanka ku haboon Ummadda reer Galmudug ee afarta sanno soo socota heynaya xilkaas” ayuu yiri Cabdinaasir.

Ugaas Cabdullaahi Faracadde oo ka mid ah Ugaasyada u joogay howlaha dhismaha Galmudug ayaa sheegay inay  diyaar u yihiin hannaanka lagu dhisayo dowlad Goboleedka Galmudug, ayna u dhabar adeegeen sidii loo heli lahaa Galmudug loo dhanyahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kula dar daarmay odoyaasha dhaqanka in wixii cabasho ah ee ay qabaan u soo gudbiyaan guddiga xalinta khilaafaadka Galmudug.

“Waxaan rabaa inaan idin sheego,Alle waxan rajeynayaa in uu noo fududeeyo, reer Galmudug cabashooyin iyo waxyaabaha jira ula taga guddiga farsamada ee dhismaha Galmudug’ ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

 

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Zambia oo kulamo wadatashi ah la yeeshey safiirada dalalka Sudan iyo South Africa Zambia

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha xarunta dhallinyarada Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha xarunta dhallinyarada Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray dhismaha xarunta dhallinyarada Gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In