Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo qabatay kulan ku saabsan Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dawladda “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo qabatay kulan ku saabsan Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dawladda “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Waxaa maanta Magaaladda Muqdisho ka furmay kulanka Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dowladda, kaasi oo socon doona muddo sedex cisho ah oo ka bilaabaneyso 19 illaa 21-ka bishan March 2019, waxaana shirka soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa goob joobjoog ka ahaa Wasiirka, Wasiir ku-xiggeenka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta, Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Shaqadda & Arrimaha Bulshadda, Xildhibaano ka tirsan Dawladda Federaalka, Guddiga Xuduudaha & Federaalka, Ururada bulshada Rayidka, maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u hishiisiinta Soomaaliya mudane Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo daah furay shirka ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in laga talo geliyo bulshadda Soomaaliyeed wadaagista awoodda heerarka dawladda Federaalka, waxaana wasiirku ka codsaday dhammaan ka soo qeybgalayaasha in ay talo ka bixiyaan awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu habboon oo ay kala lahaan doonaan heerarka dawladda, ha ahaado heer Federal ama heer dowlad goboleed.

“Waxaa la idin horkeeni doonaa oo aad ka shaqeyn doontaan, talana ka bixin doontaan “Waa maxay awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon ee loo xil-saarayo heerarka dowladda- ha ahaado heer Federal ama heer Dowlad Goboleed” Sidaas waxaa yiri Wasiir Sabriye

Gunnaanadka Shirkaan ayaa lagu wadaa in la soo saaro natiijada talabixinta ka soo qeyb-galayaasha ee ku aadan awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon oo ay kala yeelan karaan heerarka dowladda, (heer Federal & heer Dowlad Goboleed).

Previous Post

Shan Cutub oo ka tirsan Dastuurka KMG oo lagu Wareejiayay Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka

Next Post

Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho ka furay shir wada-tashi ah oo looga hadlayo tacadiyada haweenka {Sawirro}

Next Post
Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho ka furay shir wada-tashi ah oo looga hadlayo tacadiyada haweenka {Sawirro}

Wasiirka Cadaaladda oo Muqdisho ka furay shir wada-tashi ah oo looga hadlayo tacadiyada haweenka {Sawirro}

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In