Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo Culimadda Soomaaliyeed kala hadashay ka wacyigelinta bulshada Saameynta Karoona Feyrus+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo Culimadda Soomaaliyeed kala hadashay ka wacyigelinta bulshada Saameynta Karoona Feyrus+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay isugu yeertay Culimadda Soomaaliyeed kala hadashay in laga wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed qatarta uu leeyahay cudurka karoona feyrus oo saameyn ku yeeshay Caalamka waxaana Wasaaraddu ay sheegtay in la qaato Farriimaha Wasaaradda Caafimaadka si looga hortago Faafitaanka Caabuqa  Covid 19 oo kiiskiisi ugu horeeyay uu soo gaaray dalka.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed xasan iyo Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa isku raacay in Culimadda ay qaataan Doorka alle bariga iyo in Qur,aan akhriska labadiyo iyadoo masaajiyada laga bilaabo ducooyinka in Alle ka badbaadiyo ummadaha islaamka gaar ahaan Ummaadda Soomaaliyeed .

Culimiyadda ayaa sheegay in Ummaddaha islaamka meel walbo oo ay joogaan  looga baahanyahay inay Alle u laabtaan sidoo kale la qaato farriimaha wacyigelinta si looga hartago qatarta Cudurkaan oo saameyn ku yeeshay inta badan Caalamka.

“Alle bariga hala badiyo waxyaabahaan waxaa keeno carada Alle waxaana loo baahanyahay in mar walbo loo laabto xagiisa, sidoo kale la qaato farriimaha ay soo Jeedinayaan bahda Caafimaadka si looga hartago dhibaatooyinka uu leeyahay iyo qatartiisa” ayay yiraahdeen Culimadda.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in wasaaraddu ay kaalin ka qaadaneyso wacyigelin loo sameeyo bulshada, taasi oo ku aadan saameynta Cudurkaan.

“Wasaaraddu waxaa waajib ka saaran inay ilaaliso bulshada kana wacyigeliso Cudurnkaan sida ba’an usaameeyay dunida waxaana Culimadda uga Baahanahay in nala qaatan wacyigelinta bulshada iyagoo ka sameynaya Masaajida iyo Dugsiyadda Qur’aanka si aan u ilaalino Bulshadeyna  “ ayuu yiri wasiir Sheekh Nuur .

Cudurkaan Karoona ayaa soo ifbaxay bishii December ee sanadkii tagay waxaana illaa iyo hadda uu haleelay dad gaaray 180,000 isagoo saameyn ku yeeshay 150 dal oo Caalamka waxaana sidoo kale dadka u geeriyooday ay gaareen in kabadan 7,000 qof

 

Previous Post

Wadamada Qaaradda Afrika oo Soo Rogay Xayiraado Xilli Mashaakilaadka Coronavirus Uu Sii Kordhayo(warbixin)

Next Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo ku guuleystay xalinta cabashooyin ay qabeen ardayda Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadaha Jigjiga

Next Post
Wasiirka Waxbarashada XFS oo ku guuleystay xalinta cabashooyin ay qabeen ardayda Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadaha Jigjiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo ku guuleystay xalinta cabashooyin ay qabeen ardayda Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadaha Jigjiga

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In