Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Awqaafta oo shaacisay in berri ay ciid tahay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya caleema saarka madaxda maamulka Galmudug.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Awqaafta iyo Diinta  Sheekh Kheyroow Aadan oo si toos ah Bulshada uga hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalinta beri  ay tahay maalin ciid ah,  isla markaana Ummadda ugu hambalyeeyay bilasha 1-da bisha Shawaal.

Sheekh Cabdinaasir oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, kuna sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in magaalo 100 km u jirta laascaanood lagu arkay bisha, isla markaana ay wareysteen oo uu xusay inay yihiin dad lagu kalsoonyahay.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Sidoo kale muwaadin kale oo ku sugnaa gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in 11 qof oo uu ku kalsoonyahay ay arkeen bisha, isla markaana ay tahay maalin ciid ah beri oo jimco ah.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in culimada xiriiro kala duwan oo ay sameeyeen ay u cadaatay in beri ay tahay maalin ciid ah.

Muwaadin kale oo bare ah iskuul ku yaalla degmada Kaaraan ayaa sheegay in u arkay bisha, isla markaana markii uu arkay ay u suurta gashay in uu tusiyo ilaa iyo lix qof oo kale , si ay xaqiiqsadaan aragta bisha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta ayaa xusay in Wasaaradda oo kaashaneysa culimada Soomaaliyeed ay beri tahay 1-da bisha Shawaal oo ah maalinta ugu horeyso ciidul fidriga, isagoo bulshada uga digay in waxyaabaha ka baxsan shareecada ay ku soo dhaweeyaan bilasha bisha Shawaal.

Guddoomiyahay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isna dhankiisa Ummadda ka codsaday inay ka faa’iideystaan tukashada ciida, isla markaana si Islaami ah loogu ciido, lana joojiyo bandhig faneedyada lagu soo dhaweynayo ciidda.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynta Guddoomiyaha Majmaca Soomaaliyeed ayaa shacabka u sheegay in salaadda ciida loo soo deg dego, isla markaana qofka Muslimka ah jidka uu ku yimaado Masjidka jid aan ahayn uu ku laabto, taasi oo uu ku tilmaamay in ay wadato ajir fara badan.

Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa xusay in aragtida bisha ay Wasaaradda iyo culimada la wadeegeen bulsho badan oo ay khadka si toos ah u soo geliyaan, waxaana uu hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Wasaradda Qorsheynta “bulshada gacan hanaga siiso tirakoobka dadka Soomaaliyeed oo saxan”Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada ciidul fitriga “Dhageyso”

Next Post
Madaxweynaha oo taliyeyaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska kula dardaarmey dardargelinta hawlaha amniga “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada ciidul fitriga "Dhageyso"

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In