Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa kulan dhiriigelin ah u sameysay beeraley iyo ganacsato ku guuleysatay tijabooyin ay ku sameeyeyn abuurka bariis cusub.
Waa noocyo cusub oo bariisa ah oo ay abuurkiisa iyo tijaabadiisa ku guuleysateen Shirkada Danwadaag Group, kuwaas dadaalka iyo guulaha ay gaareen darteed ay mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeruhu u sameeyeen munaasabad dhiirigelin ah oo ay ka qeybgaleen madaxda Wasaaradda, ganacsato, beeraley iyo qubaro kala duwan.
Tijaabada guuleystay ee bariiska oo ka kooban Seddex Nooc ayaa waxay soo martay marxalado kala duwan sida uu sheegay Cabdullahi Cabdifitaax Axmed oo ah madaxa qeybta shaqada ee Shirkadda Dan-wadaag Group.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin garab istaaga iyo dhiirigelinta wax soo saarka bariiska oo dalka muhiim u ah, wuxuuna dhinaca kale xusay in ay ay ka shaqeyn doonaan sidii suuq loogu heli lahaa bariiskan cusub marka uu ka gudbo tijaabooyinka kale ee u dhiman.
Ugu dambeyn mas’uulyiinta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa shahadooyin dhiirigelin ah guddoonsiiyay madaxda iyo quburada shirkadda Danwadaag oo ku guuleysatay sameynta iyo tijaabada abuurka bariiskan cusub oo qeyb ka qaadan doona dadaalada ay Wasaaraddu ugu jirto ka shaqeynta sugnaanta cuntada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.