Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Warbixisay Waxqabadka Wasaaradda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Warbixisay Waxqabadka Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdicasiis Saalax Carmaan oo maanta xafiiskiisa kula hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay waxqabadka wasaaradda todobadii bilood ee ay xafiiska joogeen isaga iyo wasiirka wasaaradaas Axmed Xasan Gaboobe.

Mr Carmaan ayaa waxaa uu sharaxay dadaalada wasaaradu ku bixisay kobcinta iyo garab istaaga beeraleyda sidoo kale wax ka qabashada fatahaadaha gobolada qaar ka dhaca xiliyada roobka taas oo uu sheegay in hadda kadib aysan dhici doonin sida qorshuhu yahay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ku simaha wasiirka ayaa waxaa uu xusay in wasaaradu ay talaabo horay u qaaday todobadii bilood hadana qorshaha dhaw ee wasaarada uu yahay in dib u dhis lagu sameeyo xaruntii wasaaradda beeraha iyo xarumo kale sidoo kalena la tayeeyo shaqaalaha wasaaradda.

“Waxa ugu horeeya ee hadda noo qorsheysan waxaa waaye in xaruntii wasaaradda aan dayactirno si wasaaradu ugu shaqeyso waayo hadda ciriiri ayaan ku shaqeynaa ani ahaan gadaal ayaan ka riixaa arintaas dowladda  Imaaraadka ayaa noo balan qaaday in ay noo dhiseyso” ayuu yiri wasiirka .

Cabdicasiis Saalax Carmaan wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha ayaa dhanka kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay jiraan ENG-yo gacanta kula jira shaqada wasaarada ee la xiriira dhanka beeraha waxaana uu baaq ah in ay ka waantoobaan u diray hay’adahaas.

“Runtii waxaa jira ENG-yo shaqadii wasaarada faraha kula jira dhowr jeerna waan uga dignay in ay joojiyaan shaqadaas hadda waxaan anoo ka faa,iideysanaya fursadaan baaq dheer ku leeyahay ka waantooba howshaas oo iska soo diiwaan galiya wasaaradda”ayuu yiri Carmaan.

Wasaaradda beeraha xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ahayd xili wasaaradaha ugu wax soo saarka badan dalka xarumo badana ku lahayd dalka qaybo badan oo ka mid ah ayaa hadda ku shaqeysa xarunta wasaaradda Ganacsiga waxaana ay ka mid tahay wasaarado badan oo bur burkii saameeyay walina aan ka soo kabsan in kastoo dadaalku uu socdo.

Previous Post

Daawo Sawirada Shirka Guud ee Qaramada Midoobay oo Maanta ka Furmay New York

Next Post

Deegaanno Hoostaga Gobolka Mudug Oo Abaar Baahsan Ay Ka Jirto “Sawirro”

Next Post
Deegaanno Hoostaga Gobolka Mudug Oo Abaar Baahsan Ay Ka Jirto “Sawirro”

Deegaanno Hoostaga Gobolka Mudug Oo Abaar Baahsan Ay Ka Jirto “Sawirro”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In