Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo cambaareysay Weerarkii Xarunta Hormuud ee Deegaanka Jaldeys

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Jaldeys ee degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo dhacdadan ka hadlayay ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo weerarrada soo noqnoqdey ee lala beegsanayo Isgaarsiinta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo; Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan ugu dambeeyey uu waxyeello weyn u geystay dhismihii iyo qalabkii xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Jaldeys, taas oo saameyn ku yeelatay ganacsiga iyo nolosha shacabka deegaanada ku xeeran degmada Afmadow.

“Waxa aan ka xunnahay in ay weli sii socdaan weerraradan oo si weyn u dhibaataynaya ganacsiga iyo nolosha shacabka deeganada Jubooyinka, waxa aan hubnaa in cidkasta oo ka dambeysa falkan degdeg loola xisaabtami doono” ayuu yiri wasiir Cashuur.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa waxa ay diiwaangelisay khasaarooyinkii naf iyo maalba lahaa ee ka dhashay weerrarada loo geystay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed ee deeganada Jubbooyinka iyo Gedo, waxa ayna kala shaqeysanaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda sidii looga qaadi lahaa tallaabooyinka ku habboon si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

DHAMMAAD

Previous Post

Sirta uu bixiyey Ajanabigii Al-shabaab ka baxay Zubair Al-Muhajir

Next Post

Qaramada Midoobay oo sheegtay Inaan ciidamo nabad Ilaalin caalami ah loo diri doonin Liibiya

Next Post
Qaramada Midoobay oo sheegtay Inaan ciidamo nabad Ilaalin caalami ah loo diri doonin Liibiya

Qaramada Midoobay oo sheegtay Inaan ciidamo nabad Ilaalin caalami ah loo diri doonin Liibiya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In