Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis la gashay Bangiga Hormarinta Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo heshiis la gashay Bangiga Hormarinta Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Jamaal Xasan Ismaaciil oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xaaji Cabdi iyo saraakiil ka kala socda Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha  ayaa magaalada Nairobi heshiis kula saxiixdey bangiga Hormarinta Afrika.

Heshiiskan ay wasaaraddu la gashay Bangiga hormarinta Afrika ayaa kusaabsan sidii ay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu kor ugu qaadi lahayd awooddeeda farsamo isla markaana u hormarin laheyd adeegga Isgaarsiint guud ahaan dalka oo dhan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Heshiiskan oo uu dhanka wasaaradda u saxiixay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa  ku kacaya adduun dhan $139 Milyan  oo ah caawimaad uu bangiga hormarinta Afrika ku tala jiro in lagu caawiyo dawladda Soomaaliya sidii ay isku filaansho uga gaari lahayd dhanka isgaarsiinta.

Madaxa Hormarinta Isgaarsiinta ee bangiga Hormarinta Afrika Mr. Nicholos Williams oo u saxiixay heshiiska dhanka Bangiga ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay iney dawladda Soomaaliya ka caawiyaan hormarinta dhanka Isgaarsiinta waxuuna sheegey in kaalmadan ay qayb ka tahay mashaariicda uu bangigu ugu tala galay waddamada Afrika gaar ahaan kuwa ksoo kabanaya dhibaatooyinka.

Heshiiskan dhexmaray wasaaradda iyo Bangiga Hormarinta Afrika ayaa xoogga saari doona sidii ay wasaaraddu u heli lahayd qalab casri ah oo ay wasaaraddu ku maamusho kulana socoto Isgaarsiinta dalka, Kobcinta awoodda wasaradda, dhisitaanka hay’adda Isgaarsiinta iyo gaarsiinta adeegga Internet-ka dhamaan dawlad goboleedyada dalka.

Sanadka 2016 ayay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ku tala jirtaa iney ku talaabsato qorshe balaaran oo waxbadan kusoo kordhin doona Isgaarsiinta dalka iyadoo xeerkii Isgaarsiintuna horyaallo baarlamaanka laguna wado in la meelmariyo si ay wasaaraddu u gaarto himilooyinkeeda .

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo wadda dadaallo badan ayaa 13-ka Bishan December shir ugu yeertay dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta si ay ugu gudbiso qorshaha wasaaradda ee sanadka 2016.

 

Previous Post

Kulanka xildhibaandda Baarlamaanka ee Maanta oo looga hadlayo Miisaaniyada 2016

Next Post

Dhageyso Warka Subax e Raadiyo Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax e Raadiyo Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In