Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Oo Xallisay Cabasho La Xiriirtay Shuruudaha Rukhsadaha Isgaarsiinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Oo Xallisay Cabasho La Xiriirtay Shuruudaha Rukhsadaha Isgaarsiinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

WAR_MURTIYEED

KULAN GAAR AH : Arrimaha Shuruudaha Rukhsadaha Isgaarsiinta

Related posts

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo qabanqaabisay kulan looga hadlayay arrimaha shuruudaha rukhsadaha Isgaarsiinta kaddib markii 7dii Abriil 2020 ay shirkadaha AMTEL, HORMUUD, SOMTEL & GOLIS, oo wada jira ugu soo gudbiyeen Wasaaradda, cabasho ku saabsan shuruudaha rukhsadaha Isgaarsiinta ee uu ku soo rogay Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen shirkadaha cabashada qabay, Maamulka Hay’adda, Guddiga Hay’adda, Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Wasaaradda Boostada oo gogosha dhigtay ayaa waxaa looga doodayay qodobada ay ku kala aragti duwan yihiin shirkadaha, Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta iyo Guddoonka Hay’adda Isgaarsiinta, iyada oo dooddana uu gar-wadeen ka yahay Garyaqaanka Guud ee Qaranka.

Dood ka dib, waxay dhinacyadu hoosta ka xarriiqeen :

  1. Guddiga Maamulka Hay’adda waxay ansixiyeen shuruudaha rukhsadaha 04 Febraayo 2019, iyadoo ay goobjoog ka wada yihiin. Nooca rukhsadda markaasi la ansixiyay waxay gaar u ahayd shabakadaha iyo adeegyada Isgaarsiinta.
  2. Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta wuxuu 2019-kii ka shaqeeyay Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha, kaasi oo ay dhammaan qeybaha isgaarsiintana ku jiraan.
  3. Hase yeeshee waxaa la isku raacay in Nidaamka Rukhsadaha Mideysan ee uu Maamulka Hay’adda uu faafiyay 31/05/2020, in uusan marin habkii go’aan-gaarista ee xeer-hoosaadka Hay’adda, taas oo uu maray midkii hore ee la ansxiyey Febraayo 2019, sida ay qabaan xeer-hoosaadka Hay’adda iyo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.
  4. In wax-ka-beddel kasta oo lagu sameeyo xeer-nidaamiye uu ansixiyey Guddiga Hay’adda uu u baahan yahay ogolaanshaha Guddiga Hay’adda si loo ilaaliyo nidaamka isla-xisaabtanka.
  5. In qiimayaasha iyo muddada ku qoran Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha aan lagala tashan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Maaliyadda, sida ku xusan Qodobka 44-aad iyo 45-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

GO’AANNO & TALO-SOOJEEDIN

Dhinacyadii ka qeybgalay shirka waxa ay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada u soo jeediyeen talooyinka iyo go’aanada soo socda:

  1. In lagu dhaqmo shuruudaha rukhsadaha isgaarsiinta ee Guddiga Hay’adda (Board-ka) uu hore u ansixiyey 04/02/2019 kadib marka la dhamaytiro, inta dokomintigii beddeli lahaa laga ansixinayo.
  2. Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha waa nidaam ballaaran oo shaqo badan ay geliyeen maamulka Hay’adda. Hase yeeshee, waxaa loo baahan yahay in la marsiiyo hannaanka dajinta xeer-nidaamiyeyaasha Hay’adda, isla markaana lagala tashado Shirkadaha Isgaarsiinta, Wasaaradaha isgaarsiinta iyo Maaliyadda.
  3. In aan lagu dhaqmi karinin Shuruudaha cusub ee Rukhsadaha iyo Nidaamka Mideysan ee Rukhsadaha ee uu Maamulka Hay’adda soo saaray 31kii May 2020.
  4. In Jadwalka Qiimayaasha Khidmaha iyo Rukhsadaha markii ay ka soo dhammaato Hay’adda in loo gudbiyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada si loogala tashto Wasaaradda Maaliyada, iyadoo tixgelin la siinayo xaaladda adeeg-bixiyaha si waafaqsan qodobka 40(2) ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Ugu dambeyntii ka-soo-qeybgalayaasha shirka waxa ay u mahadceliyeen Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo ku daray shirka talooyin qiimo badan oo fududeeyey isfahmka iyo iftiiminta qodobada cabashadu ka timid.

Muqdisho, 15ka Juunyo, 2020

Wabillaahi Towfiiq

Previous Post

Maamul cuusb oo loo magacaabay Deegaanka Jaziira ee Degmada Afgooye

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 45 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post
Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Laga Diiwaan Geliyay Puntiland, Gobalka Banaadir, Somaliland Iyo Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 45 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In