Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada oo Injineero Masar ugu dirtey Tababar heer sare ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada oo Injineero Masar ugu dirtey Tababar heer sare ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Injineero ka tirsan wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa waxey ka qaybgalayaan tababar ka dhacaya dalka Masar kuna saabsan diyaarinta iyo xiritaanka internet-ka dheereeya (Fibre Optics).

Tababarkani oo ay iska kaashanayaan wasaaradda Isgaarsiinta ee dalka Masar iyo hay’adda Isgaarsiinta Caalamka ee ITU ayaa waxaa ka qayb qaadanaya 11- waddan oo Afrikaan ah  oo ay Soomaaliya ka mid tahay waxaana waddan walba uga qaybgalaya 2 Injineer. Waddamada tababarkan ka qaybqaadanaya  ayaa kala ah Sudan, Ereteria, Uganda,Tanzania, Zambia, Malawi,  Namibia, Brundi, Nigeria, K/Suudan iyo Somalia.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa tababarkani u dirtey Agaasimaha Teknoolajiyada (ICT) Eng. Cali Afey iyo Madaxa  maamulka Sumadda Qaranka (SONIC) Eng. Zakariye Ismaaciil. Tababarkan oo soconaya muddo 20 maalmood ah ayaa lagu wadaa in Injineerada ka socda Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ay kala soo laabtaan aqoon durugsan.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa wadda dadaallo badan oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha wasaaradda iyadoo ay wasaaraddu ku tala jirto in sanadka cusub ay fuliso hawlo badan.

Wasaaraddu waxey ku tala jirtaa iney shaqaale badan oo kale u dirto dalka dibaddiisa si ay ugu soo qaataan tababaro ay aqoontooda kor ugu qaadaan.

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Yuusuf Garaad :Saaxiibkey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka

Next Post
Yuusuf Garaad :Saaxiibkey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka

Yuusuf Garaad :Saaxiibkey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In