Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada oo ka qaybgashay shir IGAD oo Nairobi ka dhacay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada oo ka qaybgashay shir IGAD oo Nairobi ka dhacay

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda ayaa ka qaybgalay shir dawlad goboleedka IGAD ay u qabteen wasaaradaha Isgaarsiinta dalalka ka tirsan oo looga arinsanayay qorshaha Isgaarsiinta waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Waftigii kasocdey waddamada IGAD ayaa dhamaantood ka jeediyay warbixin ku saabsan hormarka iyo qorshaha Isgaarsiinta dalkooda iyadoo si wanaagsan looga dooday sidii wadajir ay waddamada IGAD isaga kaashan lahaayeen hormarinta iyo kala faa’iideysiga dhanka Isgaarsiinta.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi oo khudbad dheerka jeediyay madasha ayaa marka koobaad uga mahadceliyay waddamada IGAD kaalinta muuqata ay ka geysanayaan nabadeynta dalka Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa warbixin ka bixiyay xaaladda Isgaarsiinta dalka isagoo sheegey in xaaladda Soomaaliya marka la eego ay Isgaarsiinta dalku tahay mid gaartey hormar muuqda ayna tahay mid xor ah oo aysan dawladdu faragalin ku heynin iyo caburin . ” Isgaarsiinta Soomaaliya waxey mareysaa meel wanaagsan waxaana maanta Soomaaliya uu gaarayaa 57% inta heysata adeegga Telefoonda oo u dhiganta 6,200.000 (Lix Malyan iyo Laba boqol oo kun ruux)”.

Sidoo kale waxuu agaasimuhu sheegey in wasaaraddu ay diyaarisey xeerka Isgaarsiinta uuna horyaalla golaha Baarlamaanka. Agaasime Axmed ayaa ka codsadey waddamada IGAD iney qiimaha wicitaanka ee waddamada IGAD ay hoos u dhigaan gaar ahaan waddamada Jabuuti, Ethiopia, Koonfurta Suudaan iyoo Uganda oo uu sheegey iney Soomaali badan ku nool yihiin ayna ku adag tahay in eheladu is wacaan.

Waddamada sida wanaagsan loogu amaaney hormarka dhanka sharciyada iyo siyaasadda waddamada Kenya, Uganda iyo Suudaan meesha waddamada Jabuuti iyo Ethiopia iyaga lagu sheegey ineuusan suuqoodu u furneyn tartan. Waxaa shirka aad looga hadlay xaaladda Isgaarsiinta iyo amniga waddamada IGAD iyo baahida loo qabo in waddan walba leeyahay sharci haga Isgaarsiinta dalka.

Shirkan oo socday laba maalmood laguna soo badhigey warbixin laga soo aruuriyay dalalka IGAD ayaa maanta lagu soo gagabeeyay Hotel Hilton ee magaalada Nairobi.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Faah Faahin Qaraxii Ka Dhacay Degmada C/casiis Ee Gobolka Banaadir

Next Post
Faah Faahin Qaraxii Ka Dhacay Degmada C/casiis Ee Gobolka Banaadir

Faah Faahin Qaraxii Ka Dhacay Degmada C/casiis Ee Gobolka Banaadir

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In