Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada oo ka qaybgashay shir IGAD oo Nairobi ka dhacay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada oo ka qaybgashay shir IGAD oo Nairobi ka dhacay

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda ayaa ka qaybgalay shir dawlad goboleedka IGAD ay u qabteen wasaaradaha Isgaarsiinta dalalka ka tirsan oo looga arinsanayay qorshaha Isgaarsiinta waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Waftigii kasocdey waddamada IGAD ayaa dhamaantood ka jeediyay warbixin ku saabsan hormarka iyo qorshaha Isgaarsiinta dalkooda iyadoo si wanaagsan looga dooday sidii wadajir ay waddamada IGAD isaga kaashan lahaayeen hormarinta iyo kala faa’iideysiga dhanka Isgaarsiinta.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi oo khudbad dheerka jeediyay madasha ayaa marka koobaad uga mahadceliyay waddamada IGAD kaalinta muuqata ay ka geysanayaan nabadeynta dalka Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa warbixin ka bixiyay xaaladda Isgaarsiinta dalka isagoo sheegey in xaaladda Soomaaliya marka la eego ay Isgaarsiinta dalku tahay mid gaartey hormar muuqda ayna tahay mid xor ah oo aysan dawladdu faragalin ku heynin iyo caburin . ” Isgaarsiinta Soomaaliya waxey mareysaa meel wanaagsan waxaana maanta Soomaaliya uu gaarayaa 57% inta heysata adeegga Telefoonda oo u dhiganta 6,200.000 (Lix Malyan iyo Laba boqol oo kun ruux)”.

Sidoo kale waxuu agaasimuhu sheegey in wasaaraddu ay diyaarisey xeerka Isgaarsiinta uuna horyaalla golaha Baarlamaanka. Agaasime Axmed ayaa ka codsadey waddamada IGAD iney qiimaha wicitaanka ee waddamada IGAD ay hoos u dhigaan gaar ahaan waddamada Jabuuti, Ethiopia, Koonfurta Suudaan iyoo Uganda oo uu sheegey iney Soomaali badan ku nool yihiin ayna ku adag tahay in eheladu is wacaan.

Waddamada sida wanaagsan loogu amaaney hormarka dhanka sharciyada iyo siyaasadda waddamada Kenya, Uganda iyo Suudaan meesha waddamada Jabuuti iyo Ethiopia iyaga lagu sheegey ineuusan suuqoodu u furneyn tartan. Waxaa shirka aad looga hadlay xaaladda Isgaarsiinta iyo amniga waddamada IGAD iyo baahida loo qabo in waddan walba leeyahay sharci haga Isgaarsiinta dalka.

Shirkan oo socday laba maalmood laguna soo badhigey warbixin laga soo aruuriyay dalalka IGAD ayaa maanta lagu soo gagabeeyay Hotel Hilton ee magaalada Nairobi.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Faah Faahin Qaraxii Ka Dhacay Degmada C/casiis Ee Gobolka Banaadir

Next Post
Faah Faahin Qaraxii Ka Dhacay Degmada C/casiis Ee Gobolka Banaadir

Faah Faahin Qaraxii Ka Dhacay Degmada C/casiis Ee Gobolka Banaadir

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In