Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada oo shir caalami ah uga qeybgaleysa Tunis+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada oo shir caalami ah uga qeybgaleysa Tunis+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta  Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgaleysa shirweyne ka bilawdey maalinkii shalay ahayd 24/10/2016 oo socon doona illaa 3-da bisha Nov. Shirkan oo ah mid ay qabato hay’adda Isgaarsiinta Caalamka ee ITU ka socda magaalada Hammamet ee dalka Tunisa waxaana ka qaybgalaya dhamaan dawladaha caalamka wasaaradahooda Isgaarsiinta iyo shirkadaha Isgaarsiinta ee caalamka. Shirkan ayaa loogu magacdaray World Telecommunicion Standersization Assembly WTSA2016.

Mudane Axmed Xaaji Cabdi  oo ka qaybgalaya shirkan  ayaa Radio Muqdisho u sheegey in shirkani yahay mid muhiim u ah dawladaha caalamka uuna ku faraxsan yahay in dawladda Soomaaliyeed ay si buuxda uga qaybqaadaneyso shirkan iyadoo wasaraddu ay sidoo kale sanadkan dhexdiisa ka qaybgashay laba shir oo kale oo caalami ah oo ka kala dhacay Ethiopia iyo Kenya kaasoo looga hadlayay hormarinta Isgaarsiinta caalamka.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Maxamed Anwar Macruuf wasiirka Isgarsiinta iyo Dhaqaalaha ee dalka Tunisia oo furey shirka ayaa u mahadceliyay kasoo qaybgalayaasha shirka oo gaarayay Kun ruux iyo boqol dawladood oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Raisul Wasaraha dalka Tunisia Mudane Yusuf Shaahid   ayaa sidoo kale  xafladda ka hadley isagoo uga mahadceliyey in hay’adda ITU ay dooratay in shirkeeda ku qabsato dalka Tunisia waxuuna si qalbi ah usoo dhaweeyey dhamaan kasoo qaybgalayaasha shirkan waxuuna u rajeeyey hormar iyo guul muddada uu socdo shirkan.

Shirkan oo looga hadlayo guud ahaan hormarinta Isgaarsiinta  ayaa waxaa xoogga lagu saarayaa hormarinta Isgaarsiinta casriga ah ee jiilka Shanaad (5G) waxaana muhiim ah in dawladda Soomaaliyeed ay qaadato doorkeeda ayna caalamka dib ula qabsato.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta  ayaa kulamo gaar gaar ah la leh madaxda ITU iyo wasaaradaha Isgaarsiinta madaxdooda shirka kasoo qaybgalaya. Sidoo kale waxaa jiri doona shir khaas ah oo dhexmari doona madaxda ITU iyo Agaasimaha Guud oo looga hadli doono Isgaarsiinta Soomaaliya iyo hormarintooda.

unnamed (1) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Akadeemiyo Goboleedka Af-soomaaliga oo kulan aqoon isweydaarsi ah ku qabatay Beydhabo (SAWIRRO)

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In