Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay sida looga faa’iideysan karo teknolojiyada xilliga xayiraadda Coronavirus

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay sida looga faa’iideysan karo teknolojiyada xilliga xayiraadda Coronavirus
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo la tixgelinayo saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay hannaankii shaqo iyo nololeed ee dalkeena iyo go’aamadii ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) waxay ku baraarujineysaa qeybaha kala duwan sida ay uga faa’iideysan karaan teknolojiyada si hawlaha qaarkood ay sii socan karaan, inta lagu guda-jiro xayiraadda cudurka Coronavirus.

Iyadoo taageero ka heleysa Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta ee Bankiga Adduunka, Wasaaraddu waxay soo dhammeystirtay illaa 37 qolal shir (communication rooms) oo laga hirgeliyay Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Caasimadda Muqdisho. Qolalkaas ayaa loogu talo galay inay ku wada xiriiraan hay’adaha kala duwan ee dawladeed iyo kuwa caalamiga ah ee ay xiriirka la leeyihiin si loo yareeyo safarrada, loona kordhiyo isku-xirka wada-shaqeynta, iyadoo markan la ilaalinayo tilmaamaha caafimaad ee la xiriira Coronavirus.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Wasiirka Boostada, Isgaarsinta, iyo Teknolojiyada, Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga faa’iideysto qolalkaas, maadaama la joojiyay isku-socodkii, wuxuuna ku boorriyay Wasaaradaha heer dawlad goboleed iyo heer federaalba inay wadaagaan qolalka isgaarsiinta, maadaama aysan dhaqaale ahaan suurtogal ahayn in Wasaarad walba loo dhiso mid u gaar ah. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in Wasaaraddu kaalinta kaga gudboon ka qaadan doonto sidii loo kordhin lahaa xawaaraha internetka ee Wasaaradaha heer federaal iyo heer dawlad goboleedba, iyadoo lala kaashanayo Bankiga Adduunka oo aan adeeggan uga mahadcelineyno.

Dhinaca kale, wuxuu Wasiirku ammaanay sida jaamacadaha dalka ay uga faa’iideysanayaan inay waxbarashada ku bixiyaan qaab online ah, iyadoo hore ay Boostada, Isgaarsinta, iyo Teknolojiyada gacan ka siisay qaar ka mid ah jaamacadaha ka tirsan SomaliREN sidii ay u heli lahaayeen internet ay u adeegsan karaan wax-barista, inkastoo Wasiirku uu qiray in ardeyda iyo goobaha waxbarashada dalka oo dhan aysan wada heli karin internet u saamaxaya in wax lagu baro, lagana baran karo. Qorshaha Siyaasadda Isgaarsiinta Qaranka ee 2019-2024 waxaa ku jirta in iskuul iyo jaamacad kasta ay helaan internet, taas oo horumarin doonta adeegyada waxbarashada.

Wasiirku wuxuu kaloo xusay in Wasaaraddu gacan ka geysaneyso intii karaankeeda sidii teknolojiyada loogu adeegsan lahaa fududeynta hawlaha uu xannibay Coronavirus, iyadoo mar kastaba lagu dhaqmayo talooyinka Guddiga qaabilsan Coronavirus iyo go’aamada kale ee ka soo baxa Dawladda.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan inay kordhiyaan taxadarkooda, qaataana talooyinka caafimaadka iyo awaamiirta dalalka ay ku nool yihiin, isagoo Alle ka baryay inuu adduunyada ka dulqaado musiibadan uu la yimid cudurkan dilaaga ah.

 

Previous Post

Ciidamada Xoogga dalka oo Xudur ku dilay horjooge Al-Shabaab ah

Next Post

Xildhibaanno ka titsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaanno ka titsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Xildhibaanno ka titsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In