Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay sida looga faa’iideysan karo teknolojiyada xilliga xayiraadda Coronavirus

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay sida looga faa’iideysan karo teknolojiyada xilliga xayiraadda Coronavirus
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo la tixgelinayo saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay hannaankii shaqo iyo nololeed ee dalkeena iyo go’aamadii ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) waxay ku baraarujineysaa qeybaha kala duwan sida ay uga faa’iideysan karaan teknolojiyada si hawlaha qaarkood ay sii socan karaan, inta lagu guda-jiro xayiraadda cudurka Coronavirus.

Iyadoo taageero ka heleysa Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta ee Bankiga Adduunka, Wasaaraddu waxay soo dhammeystirtay illaa 37 qolal shir (communication rooms) oo laga hirgeliyay Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Caasimadda Muqdisho. Qolalkaas ayaa loogu talo galay inay ku wada xiriiraan hay’adaha kala duwan ee dawladeed iyo kuwa caalamiga ah ee ay xiriirka la leeyihiin si loo yareeyo safarrada, loona kordhiyo isku-xirka wada-shaqeynta, iyadoo markan la ilaalinayo tilmaamaha caafimaad ee la xiriira Coronavirus.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Wasiirka Boostada, Isgaarsinta, iyo Teknolojiyada, Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga faa’iideysto qolalkaas, maadaama la joojiyay isku-socodkii, wuxuuna ku boorriyay Wasaaradaha heer dawlad goboleed iyo heer federaalba inay wadaagaan qolalka isgaarsiinta, maadaama aysan dhaqaale ahaan suurtogal ahayn in Wasaarad walba loo dhiso mid u gaar ah. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in Wasaaraddu kaalinta kaga gudboon ka qaadan doonto sidii loo kordhin lahaa xawaaraha internetka ee Wasaaradaha heer federaal iyo heer dawlad goboleedba, iyadoo lala kaashanayo Bankiga Adduunka oo aan adeeggan uga mahadcelineyno.

Dhinaca kale, wuxuu Wasiirku ammaanay sida jaamacadaha dalka ay uga faa’iideysanayaan inay waxbarashada ku bixiyaan qaab online ah, iyadoo hore ay Boostada, Isgaarsinta, iyo Teknolojiyada gacan ka siisay qaar ka mid ah jaamacadaha ka tirsan SomaliREN sidii ay u heli lahaayeen internet ay u adeegsan karaan wax-barista, inkastoo Wasiirku uu qiray in ardeyda iyo goobaha waxbarashada dalka oo dhan aysan wada heli karin internet u saamaxaya in wax lagu baro, lagana baran karo. Qorshaha Siyaasadda Isgaarsiinta Qaranka ee 2019-2024 waxaa ku jirta in iskuul iyo jaamacad kasta ay helaan internet, taas oo horumarin doonta adeegyada waxbarashada.

Wasiirku wuxuu kaloo xusay in Wasaaraddu gacan ka geysaneyso intii karaankeeda sidii teknolojiyada loogu adeegsan lahaa fududeynta hawlaha uu xannibay Coronavirus, iyadoo mar kastaba lagu dhaqmayo talooyinka Guddiga qaabilsan Coronavirus iyo go’aamada kale ee ka soo baxa Dawladda.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan inay kordhiyaan taxadarkooda, qaataana talooyinka caafimaadka iyo awaamiirta dalalka ay ku nool yihiin, isagoo Alle ka baryay inuu adduunyada ka dulqaado musiibadan uu la yimid cudurkan dilaaga ah.

 

Previous Post

Ciidamada Xoogga dalka oo Xudur ku dilay horjooge Al-Shabaab ah

Next Post

Xildhibaanno ka titsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaanno ka titsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Xildhibaanno ka titsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In