Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanno ka titsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 2, 2020
in Wararka
0
Xildhibaanno ka titsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo ayaa waxaa halkasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliin uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, maamulka degmada, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Wafdiga Xildhibaannada ee ka amba baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo dhaweeyn kaddib waxaa goobta ka hadlay duqa Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga, isagoo xusay in magaalada ay kal hore joogeen Xildhibaanno kale.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in loo baahanyahay wafdiga soo gaaray Gaalkacyo, waxaana uu intaa ku daray in bulshada ay aad ugu faraxsantahay socdaalka Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal.

“Dowladdii galmudug oo sii fideyso weeye, waana ku faraxsanahay imaantiina guul weyn ayay u tahay bulshada Gaalkacyo” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow oo ku hadlayay magaca wafdiga ayaa sheegay inay farxad u tahay socdaalka ay ku tegeen Gaalkacyo, ayna diyaar u yihiin inay dhageystaan baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan shacabka.

 

Previous Post

Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay sida looga faa’iideysan karo teknolojiyada xilliga xayiraadda Coronavirus

Next Post

Suudaan oo sheegtay in kiis hor leh laga helay gudaha dalka oo COVID-19 ku saabsan

Next Post
Ka hortagga Coronavirus waa tallaabo horay loo qaaday

Suudaan oo sheegtay in kiis hor leh laga helay gudaha dalka oo COVID-19 ku saabsan

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In