Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug C/raxmaan Cali Maxamed “Geedaqorow”oo ay wehliyaan wasiiru dowlaha wasaarada Caafimadka Galmudug Axmed Mire Cali “Faafale” iyo masuliyin kale ayaa socdaal shaqo ay ku tageen deegaanka Gadoon waxay halkaa dib kaga fureen xarun caafimaad oo mudo u xirnayd is qab qabsi dhanka maamulka ah taa oo bulshada deegaanka loogu adeegi jiray kadib markii ay xaliyeen khilaafkii kajiray gacan ku haynta xaruntaasi.
Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb C/raxmaan Cali Maxamed “Geedaqorow” oo ay garbihiisa taaganyihiin guddoomiyaha deegaanka Gadoon Cabdicaziz Qooje ayaa sheegay in waxii hada ka dambeeya xarunta caafimaad si saxa loogu adeegayo bulshada deegaanka oo baahi wayn uqabtay xaruntaasi.
wasiiru dowlaha wasaarada caafimadka Galmudug mudane Axmed Mire Cli “Faafale ayaa dhankiisa sheegay inay la xisaabtami doonaan cid walba oo isku dayda inay carqadaladayso adeega xaruntani bixinayso maanta laga bilaabo.