Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo maanta daah furtay shirka isku xirka mashaariicda Caafimaadka Galmudug

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo maanta daah furtay shirka isku xirka mashaariicda Caafimaadka Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay shirka  isku xirka mashaariicda Caafimaadka deegaanada Galmudug, kaasi  oo muddo labo cisho ah ka socon doona magaalada Dhuusamareeb.

Sida uu qorshaha yahay Shirka ayaa waxaa ka qayb galaya dhamaan hey’addaha ka shaqeeya Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka ee ka howlgala Deegaanada Galmudug.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Kulankan ayaa dib loogu eegayaa waxii ka qabsoomay sadaxdii bilood ee lasoo dhaafey arrimaha Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka, iyadoo lagu Soo bandhigayo  culeesyada jira iyo meelaha  aan wali wax laga qaban ee u baahan in lagu daro qorshaha sadaxda bilood ee soo aaddan.

Mas’uuliyiinta ka socotay hey’addaha kala duwan ee kulankan ka qayb galaya ayaa laga dhageystay soo jeedintooda oo ku qotontay mashaariicda ay ka wadaan meelo kala duwan oo Galmudug ka mid ah.

Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo siyaasada ee wasaarada Caafimaadka Galmudug, Cabdixakiin Maxamed Diiriye, ayaa furitaanka shirkan sharaxaad kooban ka bixiyay ajandayaasha ugu muhiimsan, isaga oo tilmaamay in ay muhiim tahay joogteenta kulamada nocaan ah.

Wasiir Dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale, oo gunaanadka munaasabada daah furka shirkan warbaahinta la hadley ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in la sameeyo isbadalo muuqda, hadafka ugu weyn ee shirkan maantana uu yahay gudbinta fariin ku socota hey’addaha, si loo helo kaalmo dhameystiran oo wax looga qabto qaybaha gargaarka Deg Dega ah ee isbitaalada waaweyn ee Galmudug.

Previous Post

Haniya oo la kulmay Taliyaha Sirdoonka Masar

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In