Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle oo dawo gaarsiisay degmooyinka Raaga-ceelle iyo Warshiikh+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle oo dawo gaarsiisay degmooyinka Raaga-ceelle iyo Warshiikh+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda caafimaadka, daryeelka hooyada iyo dhallaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Axmed C/kariin Maxamed oo uu wehliyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Cali Yuusuf ayaa deeq dawo ah ku wareejiyay mas’uuliyiinta degmooyinka Raaga Ceelle iyo Warshiikh oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay degmooyinka Raage Ceelle iyo Warshiikh iyagoo u kuurgalay xaaladda nololeed ee bulshada ku dhaqan halkaasi, waxayna indhahooda ku soo arkeen baahida caafimaad oo ay qabaan bulshadaasi.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Wafdiga uu horkacayay wasiir Axmed C/kariin Maxamed ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha degmada Raage Ceelle Yuusuf Xaaji Maxamed oo ka warbixiyay xaaladda nololeed ee bulshada ku dhaqan degmadaasi iyo deegaannada hoos yimaada, isagoo tilmaamay ineysan jirin wax adeeg caafimaad ah oo ay heystaan bulshadaasi, wuxuuna ka mahadceliyay deeqda dawada ah ee la gaarsiiyay.

Sidoo kale wafdiga ayaa gaaray degmada Warshiikh iyagoo booqday dhowr tuulo oo hoosyimaada degamadaasi, waxeyna warbixin ka dhageysteen hoghayaha dowladda hoose ee degmadaasi,Diini Rooble Axmed iyagoo ku wareejiyay xoogaa dawo ah, halka ay kulamo kale la qaateen waxgaradka deegaankaasi.

Deeqdan dawada ah ee la gaarsiiyay labadaasi degmo ayaa ku soo beegmeysa xilli uu deegaannadaasi ka dillaacay cudurka shuban biyoodka oo ay u geeriyoodeen tiro dad ah halka kuwa kalena ay la ildaranyihiin cudurkaasi.

Previous Post

Doorka shaqaalaha iyo  kaalinta ay ku leeyihiin xuska 1-da May- (Faallo) 

Next Post

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka oo soo gaaray Muqdisho

Next Post
Bulshada oo lagu Wacyi galinayo Ahmiyadda Amniga

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka oo soo gaaray Muqdisho

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In