Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo 25 dhaawacyo  howlo daaweyn ah ugu dirtay dalka Qatar. (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka oo 25 dhaawacyo  howlo daaweyn ah ugu dirtay  dalka Qatar. (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii seddexaad muddo laba bil gudahooda dalka dibaddiisa ugu dhoofisay dhaawac gaaraya illaa iyo 25 ruux oo waxyeelo kala duwan ay ka soo gaartay weeraro iyo qaraxyo hore uga dhacay caasimadda Muqdisho oo xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayay, kuwaasi oo lagu daweyn doono Isbitaallo ku yaala dalka Qatar.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Mudane Osman Mohamed Abdi ayaa uga mahadceliyay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad bin Khalifa Al Thani iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khaliifa Al Thani dadaalka muuqda ee ay ku garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya , isagoo xusay in dhaawacyada lagu soo daweynayo dalka Qatar ay ku jiraan laba gabdhood oo Mataano ah oo isku dhegan .

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka , waxa uu bogaadiyay kaalinta bani’aadanimo ee dadkani dhaawacyada ah ay ku daweyneyso dowladda Qatar , iyadoo Dowladaha Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Boqortooyada Saudi Arabia ay sidoo kale ay daweynayaan dhaawacyada qaraxyo ka dhacay Muqdisho , kuwaasi oo hadda xaaladooda caafimaad ay ka soo reyneyso .

Mudane Osman Mohamed Abdi ayaa cadeeyay in Wasaaradiisu ay ku howlan tahay soo celinta adeegga iyo kaabayaasha caafimaadka dalka , si looga maarmo howlo caafimaad oo dalka dibaddiisa loogu safro .

Dhankiisa , Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta MaalgashigaMudane Ahmed Ali Mohamed (Kediye) ayaa isna ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Amiirka Dowladda Qatar iyo Ra’iisul wasaarihiisa ay la garab taagan yihiin Soomaaliya , isagoo xusay in Siihayaha Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan bin Hamza Asad Mohammed uu kaalin firfircoon oo mug leh ka qaatay fududeynta in dhaawacyadani ay helaan daryeel iyo adeeg caafimaad oo dhameystiran .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, waxa uu tilmaamay in dowladda Qatar oo Soomaaliya kala dhaxeeya xiriir taariikh qotodheer oo dhinacyo badan leh ay ka mid tahay dowadaha taageerayay dalka , si uu uga kabsado dagaalo iyo colaado ammaan darro sababay.

DSC07964

DSC07958

DSC07946

DSC07941

DSC07924

DSC07905

DSC07900

DSC07895

Previous Post

MUUQAAL: Fariinta John Kerry ee imaanshihiisii maanta

Next Post

Wasaaradda Hawlaha Guud oo Go’aamo Xasaasi ah Kasoo Saartay Shir Muqdisho Ka Dhacay (Sawirro)

Next Post
Wasaaradda Hawlaha Guud oo Go’aamo Xasaasi ah Kasoo Saartay Shir Muqdisho Ka Dhacay (Sawirro)

Wasaaradda Hawlaha Guud oo Go’aamo Xasaasi ah Kasoo Saartay Shir Muqdisho Ka Dhacay (Sawirro)

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In