Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo 25 dhaawacyo  howlo daaweyn ah ugu dirtay dalka Qatar. (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka oo 25 dhaawacyo  howlo daaweyn ah ugu dirtay  dalka Qatar. (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wasaaradda Caafimaadka oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii seddexaad muddo laba bil gudahooda dalka dibaddiisa ugu dhoofisay dhaawac gaaraya illaa iyo 25 ruux oo waxyeelo kala duwan ay ka soo gaartay weeraro iyo qaraxyo hore uga dhacay caasimadda Muqdisho oo xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayay, kuwaasi oo lagu daweyn doono Isbitaallo ku yaala dalka Qatar.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Mudane Osman Mohamed Abdi ayaa uga mahadceliyay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad bin Khalifa Al Thani iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khaliifa Al Thani dadaalka muuqda ee ay ku garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya , isagoo xusay in dhaawacyada lagu soo daweynayo dalka Qatar ay ku jiraan laba gabdhood oo Mataano ah oo isku dhegan .

Wasiir kuxigeenka Caafimaadka , waxa uu bogaadiyay kaalinta bani’aadanimo ee dadkani dhaawacyada ah ay ku daweyneyso dowladda Qatar , iyadoo Dowladaha Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Boqortooyada Saudi Arabia ay sidoo kale ay daweynayaan dhaawacyada qaraxyo ka dhacay Muqdisho , kuwaasi oo hadda xaaladooda caafimaad ay ka soo reyneyso .

Mudane Osman Mohamed Abdi ayaa cadeeyay in Wasaaradiisu ay ku howlan tahay soo celinta adeegga iyo kaabayaasha caafimaadka dalka , si looga maarmo howlo caafimaad oo dalka dibaddiisa loogu safro .

Dhankiisa , Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta MaalgashigaMudane Ahmed Ali Mohamed (Kediye) ayaa isna ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Amiirka Dowladda Qatar iyo Ra’iisul wasaarihiisa ay la garab taagan yihiin Soomaaliya , isagoo xusay in Siihayaha Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan bin Hamza Asad Mohammed uu kaalin firfircoon oo mug leh ka qaatay fududeynta in dhaawacyadani ay helaan daryeel iyo adeeg caafimaad oo dhameystiran .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, waxa uu tilmaamay in dowladda Qatar oo Soomaaliya kala dhaxeeya xiriir taariikh qotodheer oo dhinacyo badan leh ay ka mid tahay dowadaha taageerayay dalka , si uu uga kabsado dagaalo iyo colaado ammaan darro sababay.

DSC07964

DSC07958

DSC07946

DSC07941

DSC07924

DSC07905

DSC07900

DSC07895

 

Previous Post

MUUQAAL: Fariinta John Kerry ee imaanshihiisii maanta

Next Post

Wasaaradda Hawlaha Guud oo Go’aamo Xasaasi ah Kasoo Saartay Shir Muqdisho Ka Dhacay (Sawirro)

Next Post
Wasaaradda Hawlaha Guud oo Go’aamo Xasaasi ah Kasoo Saartay Shir Muqdisho Ka Dhacay (Sawirro)

Wasaaradda Hawlaha Guud oo Go’aamo Xasaasi ah Kasoo Saartay Shir Muqdisho Ka Dhacay (Sawirro)

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In