Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay degaanka Gawaan ee Gobolka Mudug.

admin by admin
January 31, 2019
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay degaanka Gawaan ee Gobolka Mudug.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ballaaran oo ay hor kacaysay Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee   Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa Maanta gaaray Magaala Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

 

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Wasiir, Fowziyo Abiikar, oo ay socdaalkeeda ku wehlinayeen, xildhibaanno ka mid ah Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan maamulka Gobolka banaadir, ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo Dad weyne fara badan.

Wafdiga ayaa intaa ka dib u sii gudbay Degaanka Gawaan oo hoos taga Magaalada Hobyo, halkaas oo laga hirgeliyay dhowaan Isbitaal loogu tala galay Hooyada iyo Dhallaanka.

Waxanay maamulka Isbitalka guddoonsiiyeen Dawo Hal Tan ah oo ay ugu deeqeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Caafidaamka, Fowziya Abiikar Nuur.

Mas’uuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maanta gaaray Hobyo, ayaa waxay Indha-Indheyn ku sameeyeen qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka Gawaan, waxanay halkaasi war-bixin ku aaddan baahiyahooda kaga dhageysteen shaqaalaha xarunta.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in ka Dowlad ahaan ay ku dedaali doonaan wax ka qabashada cabashada Dad weynah , waxanay sheegtay in ay waajib ku tahay in ay ka jawaabto baahiyaha ka jira Bulshada dhexdeeda.

Previous Post

Milliteriga Suudaan: Ma oggolaan doonno in Dalka la bur-buriyo

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabbilay Safiirrada Sweden iyo Norway ee Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabbilay Safiirrada Sweden iyo Norway ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabbilay Safiirrada Sweden iyo Norway ee Soomaaliya

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In