Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo maanta lagu qabtay xuska maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo maanta lagu qabtay xuska maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxa maanta xarunta dhexe Wasaaradda Caafimaadka Puntland ka dhacay xuska maalinta Caalamiga ah ee badqabka bukaanka.

Wasiirka Wasaaradda Dr Jamac Farax Xasan qaar kamid ah Agaasima waaxeedyada ayaa ka qaybgalay sidoo kale waxaa joogay xubno ka socday hay’adda Caalami ah qaarkood.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Maalintaan ayaa noqonaysa markii ugu horraysay ee Puntland lagu qabto waxaana hal ku dhig looga dhigay “ Badbaadada Hooyada iyo Dhalaanka”

Mohamed Abdiqaadir oo ka socday hay’adda UNICEF oo ka hadlay xaflada ayaa yiri:-

“ Waxaan soo dhawaynayaa inaan kasoo qaybgalo maalinta caalamiga ah ee bad-qabka bukaanka kaasoo ah mawduuc muhiim ah kaasoo looga hadlayo sidii adeega ugu fiican loo siin lahaa bukaanka soo booqanaya xarumaha caafimaadka.”

“Sidaad aragtaan hal ku dhiga maanta waa sidoo loo badbaadin lahaa hooyada iyo dhalaanka taasina waa mida ugu muhiimsan madaama bukaanada ugu badan ee xarumaha caafimaadka taga ay iyaga ugu badanyihiin.”

Xaashi Muuse oo ka socday hay’adda UNICEF oo isna hadal ka jeediyay ayaa sheegay:-

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta wasaaradda kala soo qaybgalo xuska maalintaan caalamiga ah ee Bad-qabka Bukaanka, sidaad ogtihiin maalintaan waa maalin muhiim u ah nolosha aadanaha si gaar ah bukaanka tagaya xarumaha caafimaadka”

“Sidaa aan arko maanta waxaa mawduuca looga dhigay badbaadada hooyada iyo dhalaanka oo ah kuwa ugu muhiimsan oo ubaahan inay helaan adeega ay uga baahanyihiin xarumaha caafimaadka, waxaan rajaynayaa inana kor uqaadno adeega laga helayo xarumaheena caafimaadka.”

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka  Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta aan xusayno maalin muhiim ah oo adduunka ka mid ah kuwa ugu muhiimsan oo ah sidii bukaanka imaanaya xarumaha caafimaadka sidii loo siin lahaa adeeg dhamaystiran oo lagu badbaadinayo noloshiisa. Waxaan ka wasaaradda ahaana rajaynayaa in maalin gaar ah aan lagu koobine ay noqoto mid si joogta ah aan uga shaqaynayno.”

“Waxaan rabaa inaan dul istaago mawduuca sanadkaan la qaatay ee ah badbaadinta Hooyada iyo dhalaanka oo aan ognahay muhiimada ay leeyihiin sida aad maqlayseena 100,000 oo hooyo oo dhalaysa inay dhimato 700 oo kamid ah taasoo ah mid badan oo aan doonayno inaan intaas sii yarayno sidaad la socotaana wasaaradda oo ka duulaysa badbaadinta hooyada iyo dhalaanka waxaan meelaha fogfog ka furnay qeybo cusub oo qaliinka hooyada ah si loo badbaadiyo, waxaana qorshaha noogu jira inaan sii labo jibaarno sidii aan uga shaqayn lahayd badbaadinta ilmaha.”

Previous Post

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo ay ka socdaan howlo dib loogu dayactirayo  

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Bad-qabka Bukaanka “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Bad-qabka Bukaanka “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Bad-qabka Bukaanka "SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In