Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo agab Caafimaad kala wareegtay Safaaradda Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo agab Caafimaad kala wareegtay Safaaradda Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Dr Cali Xaaji Aadam ayaa Safiirka dalka Shiinaha Mudane Fei Sheng lChao kala wareegay agab Caafimaad oo loogu talagaley gargaarka deg dega ah (First Aid) kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Munaasabadda wareejinta agab kan Caafimaad waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Bullaale, Xildhibaan Nadiif oo ka tirsan guddiga adeegga bulshada Golaha Shacabka Baarlamaan JFS iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Qalabkan ayaa wax badan ka tari doona la tacaalidda xaaladaha deg dega ah, Wasiirka horey ugu codsaday Shiinaha agabkan si ciidankeena jiida hore jooga ay u helaan gargaar deg deg ah maadaama dalka uu ku jiro dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Dowladda Shiinaha ku tilmaamay saaxib soo jireen ah oo marar badan garab istaagay Caafimaadka Soomaaliya waxa uuna xusey in Shiinuhu ka mid yahay dalalka xili kasta u taagan taageerada dalkeena gaar ahaan hanaanka Caafimaadka oo ah meelaha ugu muhiimsan ee bulsho laga taageeri karo si loo helo hanaan Caafimaad oo xasilan.

Dhinaca kale Munaasabadda waxaa abaal marin shahaado sharaf ah lagu guddoon siiyey Health + oo ka qeyb qaadatey fududeynta agab kan Caafimaad in uu soo gaaro Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Wasiirka ayaana uga mahadceliyay dedaaladooda ay kaga qeybqaateen helitaan agabkan Caafimaad.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka.










 

 

Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka 25-aad Labada Aqal ee BJFS “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Kaxda oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In