Daahfurka ololahan Talaalka Cagaarshowga oo ay fududeysay Hey’adda kheyriga ah ee Kalkaal Hospital ayaa muddo isbuuc ah oo uu socon doono ka faaโiideysan doona maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallanka ee Banaadir, waxaana si rasmiya ololaha isla gudaha isbitaalka uga daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim, iyadoo ay goob joog ahaayeen Agaasimayasha Isbitaalada Banaadir iyo Kalkaal Hospital.
Agaasimaha Isbitaal Banaadir Fartuun Shariif Maxamed ayaa xustay in talaalka oo seddex weji ah uu muhiim u yahay shaqaalaha Isbitaal Banaadir, isla Markaana ay ka faaโiideysan doonaan ku dhawaad Afar Boqol oo shaqaale.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Kalkaal Dr.Suleyman Cabdullahi Maxamedย ayaa sheegay in u jeedkoodu uu yahay inay garab istaagaan shaqaalaha isbitaal Baanadir oo bulshada u haya shaqo adag.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim oo Olalaha talaalka daahfuray ayaa Maamulka Isbitaal Kalkaal uga mahadceliyay doorkoodu ku aadan fududeynta talaalka Cagaarshowga, wuxuuna shaqaalaha ku booriyay inay Talaalka qaataan.