Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo maanta daahfurtay Ololaha Tallaalka dabeysha

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo maanta daahfurtay Ololaha Tallaalka dabeysha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maryan Maxamed Xuseen, ayaa maanta degmada Waaberi ka daahfurtay Ololaha talaalka dabeysha ee caruurta ka yar Shanta sano oo laga fulin doono Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Adeeg bixinta talaalka oo socon doonta 27 illaa 30 bishan ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka XFS, maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adaha WHO iyo UNICEF, wuxuuna Qorshuhu yahay in talaalka la gaarsiiyo  Carruur gareysa Laba Milyan iyo bar, sida uu xusay Agaasimaha waaxda Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Gudoomiyaha degmada Waaberi, Maxamed Sayid Cali, ayaa u mahadceliyay wasaarada Caafimaadka, maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adaha gacanta ka geystay, wuxuuna dadka degmada ku Nool ugu baaqay inay ka faaiideystaan talaalkan muhiimka ah.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Axmed Maxamuud, ayaa xusay inay rajeenayaan in ololahan Kan xiga in wax la taaban karo laga gaaro ciribtirka cudurka dabeysha oo aan wax dawo ah laheyn ka hortag mooyaane.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maryan Maxamed Xuseen, oo daahfurtay ololaha ayaa sheegtay inay ka wasaarad ahaan ku dadaali doonaan sidii dalka looga ciribti lahaa cudurka dabeysha oo halis ku ah nolosha iyo mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasaaradda Waxbarashada oo soo saartay War-saxaafadeed la xiriir Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanadkan.

Next Post

Madaxweynaha JFS oo kulan sagootin ah la qaatay safiirkii hore Marekanka

Next Post
Madaxweynaha JFS oo kulan sagootin ah la qaatay safiirkii hore Marekanka

Madaxweynaha JFS oo kulan sagootin ah la qaatay safiirkii hore Marekanka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In