Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qabatay siminaar ku saabsan Maareynta Dhiig- shubidda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qabatay siminaar ku saabsan Maareynta Dhiig- shubidda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada qeybta Tababarada (Internship and Training program) ayaa maanta Isbitaalka Banaadir ku qabatay siminaar ku saabsan diyaarinta iyo maareynta qeybaha Dhiiga.

Munaasabadan oo lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Dhiig bixinta ayaa waxaa ka qeyb galay  60 qof oo isugu jira ardayda barata culuumta shaybaarka, Nursing iyo xirfadlayaal caafimaad si ay u bartaan hababka ugu wanaagsan ee loo maareeyo dhiig shubida.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Ka qeyb galayaasha siminaarka ayaa lagu baray mabaadii’da diyaarinta iyo keydinta dhiigga,  nidaamka badbaadada bukaanka ,iyo muhiimadda ay leedahay hubinta iyo baaritaanka dhiigga bukaanka loogu deeqo.

Inta uu socday siminaarka, ka qaybgalayaashu waxay fursad u heleen in ay koox koox u sameeyaan tijaabo baaris oo ku saabsan maaraynta dhiig-shubidda.

Siminaarka ayaa sidoo kale lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay helitaanka dhiig la hubiyay si loo ilaaliyo badqabka bukaanada.

Munaasabadda ayaa ku soo idlaatay guul, iyada oo ka qeyb galayaashu ay heleen aqoon iyo xirfado ku saabsan Maareeynta dhiig-shubidda iyo hubinta badbaadada bukaanka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an joogteynta tababarada sare loogu qaadayo aqoonta Xirfadlayaasha Caafimaad si loo helo Caafimaad tayo sare leh.

 







Previous Post

Xukuumadda oo hirgelisay 3 xarumood oo muhiim u ah ka jawaabidda Musiibooyinka

Next Post

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Heshiiska Dhismaha xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga

Next Post
Golaha Wasiirada oo ansixiyay Heshiiska Dhismaha xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Heshiiska Dhismaha xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In