Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Dr Cali Xaaji Aadam oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr Guuleed Cabdi Jaliil iyo madax sare oo Wasaaradda Caafimaadka ka tirsan ayaa maanta gaaray maagalada Dusmareeb, kuwaas oo siday qalab iyo daawo loogu talagalay hawlaha Caafimaadka deg degga ah, kaas oo qayb ka ah hawlaha dib u xoraynta deegaannada Galmudug iyo dagaalka lagula jiro kooxda khawaarijta ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafdiga waxaa magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamad Xuseen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugneyd Magaalada Dhuusamareeb iyo Maamulka sare Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ay ugu horeeyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaardda Caafimaadka mudane Daahir Faarax Fiidow, agasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxmamed Axmed iyo shaqaala weynaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.