Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaaratiijiyadda bahda Cadaaladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Cadaaladda XFS oo Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaaratiijiyadda bahda Cadaaladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya, kaasi oo uu daahfuray Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Munaasabaddan taariikhiga ah waxay astaan u tahay bilowga geeddi-socodka horumarinta Istiraatiijiyadda Bahda Cadaaladda Soomaaliya ee 2025-2030.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Shirweynaha waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, Xeer Ilaaliyaha Guud, Suleymaan Maxamed Maxamuud, iyo dhammaan masuuliyiinta bahda cadaaladda, ee heer federaal iyo mid dowlad goboleedba.

Wasiirka Cadaaladda, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa sheegay in kulankan istaraatiijiga ah uu muhiim u yahay dib-u-habaynta nidaamka cadaaladeed ee dalka. “Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday qaab-dhismeedka hagi doona Soomaaliya loona jiheynayo mustaqbal cadaalad, sinnaan iyo adkeysi leh.” Ayuu yiri Wasiir Xasan.

Inta lagu guda jiro saddexda maalmood ee soo socota, Banbaxa waxaa ka dhici doona aqoon-isweydaarsiyo xooggan iyo fadhiyo wadashaqeyn ah, kuwaas oo salka u dhigi doona istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya oo dhamaystiran oo ka tarjumeysa rajada iyo baahiyaha dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ku booriyay qurba joogta Soomaaliyeed inay maalgashadaan dalkooda

Next Post

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka oo Beladweyne kula kulmay qeybaha bulshada

Next Post
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka oo Beladweyne kula kulmay qeybaha bulshada

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka oo Beladweyne kula kulmay qeybaha bulshada

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In