Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaaratiijiyadda bahda Cadaaladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Cadaaladda XFS oo Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaaratiijiyadda bahda Cadaaladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya, kaasi oo uu daahfuray Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Munaasabaddan taariikhiga ah waxay astaan u tahay bilowga geeddi-socodka horumarinta Istiraatiijiyadda Bahda Cadaaladda Soomaaliya ee 2025-2030.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Shirweynaha waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, Xeer Ilaaliyaha Guud, Suleymaan Maxamed Maxamuud, iyo dhammaan masuuliyiinta bahda cadaaladda, ee heer federaal iyo mid dowlad goboleedba.

Wasiirka Cadaaladda, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa sheegay in kulankan istaraatiijiga ah uu muhiim u yahay dib-u-habaynta nidaamka cadaaladeed ee dalka. “Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday qaab-dhismeedka hagi doona Soomaaliya loona jiheynayo mustaqbal cadaalad, sinnaan iyo adkeysi leh.” Ayuu yiri Wasiir Xasan.

Inta lagu guda jiro saddexda maalmood ee soo socota, Banbaxa waxaa ka dhici doona aqoon-isweydaarsiyo xooggan iyo fadhiyo wadashaqeyn ah, kuwaas oo salka u dhigi doona istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya oo dhamaystiran oo ka tarjumeysa rajada iyo baahiyaha dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.



Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ku booriyay qurba joogta Soomaaliyeed inay maalgashadaan dalkooda

Next Post

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka oo Beladweyne kula kulmay qeybaha bulshada

Next Post
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka oo Beladweyne kula kulmay qeybaha bulshada

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka oo Beladweyne kula kulmay qeybaha bulshada

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In