Sunday, June 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya ayaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku qabatay kulan wadatashi ah oo ah la yeelatay dhallinyarada qurbo-joogta Soomaaliyeed, waxaa kulllanka qabsoomidiisa qeyb wayn ka qaadatay Hay’adda Restore Somalia Foundation. Kulankan waxa isugu yimid dhallinyaro qurbo-joog ah, Madaxa wada-xaajoodyada cimilada ee Wasaaradda, iyo La-taliyaha Sare Mudane Cabdiqani Barow.

Mudane Cabdiqani Barow ayaa si firfircoon ula falgalay ka-qaybgalayaasha, isaga oo la wadaagay mudnaanta cimilada ee Soomaaliya iyo aragtida Wasaaradda ee wada-xaajoodyada caalamiga ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026

Dooddu waxay diiradda saartay arrimaha Qaran oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin saameynta deegaanka ee dhuxul-soo-saarka, dib-u-habaynta socda ee la xiriirta isbeddelka cimilada iyo muhiimadda ka-qaybgal cimiladeed oo loo dhan yahay, kana dhasha hoggaaminta dhallinyarada.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay hindise ballaaran oo ku saabsan qurbo-joogta, oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya – Waaxda Arrimaha Qurbo-joogta, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta ka-qaybgalka qurbo-joogta ee horumarinta Qaranka, si waafaqsan siyaasadaha iyo mudnaanta dalka.

Iyadoo laga duulayo waayo-aragnimadii Soomaaliya ee COP30, wadahadalkani waxa uu muujinayaa isbeddel cusub oo ku wajahan ka faa’iidaysiga khibradda Soomaaliyeed ee caalamka ku baahsan, si loo horumariyo mudnaanta Qaranka, iyadoo qurbo-joogta loo aqoonsanayo tiir muhiim u ah qaab-dhismeedka maamul-cimiladeed ee Soomaaliya.

Previous Post

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

Next Post

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Next Post
Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada Galmudug,...

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In