Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda dekadaha Galmudug Oo Soo dhaweysay dhaqaalaha Lagu maalgelinayo dhismaha dekadda Hobyo

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda dekadaha Galmudug Oo Soo dhaweysay dhaqaalaha Lagu maalgelinayo dhismaha dekadda Hobyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda dekedaha Iyo kalluumeysiga Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye  oo wareysi gaar ah  siiyay Radio Muqdisho ayaa ka hadlay u jeedka Munaasabadda daah-furka Howsha Dekadda oo xalay lagu qabtay gudaha Degmada Hobyo oo ay ka qeyb galeen ganacsato, siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug kuwaasoo qaarkood ka tagay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in mudada uu kulanka socday looga hadlay dhaqaalaha lagu suurtagelinkaro dhismaha dekeda, isagoo sheegay in ay diyaar yihiin dadkii bixi lahaa lacagaha loogu talagalay in lagu maalgeliyo dekadda Hobyo.

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

Mudane Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Galmudug iyo maamulkooda ay diyaar u yihiin sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhismaha dekedaan, wuxuuna soo dhaweeyay hadalka kasoo yeeray siyaasiyiinta iyo shacabka Galmudug.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiri doonaan kulamo dheeraad ah oo dhex mari doona ganacsatada iyo maamulka dowlad Gobaleedka todobaadyada soo socda, kulamaadaasina looga hadli doono dardargelinta maalgelinta dhismaha dekadda, isagoo carrabka ku dhuftay in wasaaradda dekadaha Galmudug ay gacanta ku hayso  habka iyo qorshaha dhismaha dekadda.

Dhismaha dekedda Hobyo oo hadal heynteeda soo jiitamaysay in muddo ah ayaanan horey waxba uga hirgelin,waxaana tallaabada dhismaha  ay lafdhabar u noqon doonta ilaha waxsoosaarka maamul gobolleedka Galmudug iyo guud ahaan dalka.

Previous Post

Ra’iisul wasaare Khayre oo kormeeray Bangiga dhexe ee dalka”SAWIRRO”

Next Post

Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka

Next Post
Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka

Maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In