Sunday, July 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda duulista hawada oo dhallinyaro la barayo hagidda dayuuradaha u dirtay dalka Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa kulan sagootin ah loogu sameeyay  dhallinyaro loo diyaarinayo in ay ka howl galaan hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya, isla markaana ay la wareegaan maamulka Hawada Soomaaliya, mudo dhowr bilood ah ayay tababbar la xiriira maamulka hawada iyo hagitaanka diyaraadaha ku soo qaadan doonaan wadanka Kenya, kuwaasi oo manta ka dhoofay isla garoonka .

Kulankaa sagootinta ah waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac, Wasiiru dowlaha Wasaaradaas iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxaana ay mas’uuliyiintu la dar daarmeen Dhallinyarada dalka dibadiisa loo diray ee la soo barayo Hawada hagidda diyaaraha.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026

Dhallinyarada loo tababbarayo in ay ka howl galaan hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya (Civil Aviation) ayaa  50 kor u dhaafaya, waxaana ay ka kala yimaadeen magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Boosaaso sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Sooamaliya Mudane Cali Gacal.

“Mudane Wasiir dhallinyaradaan sidaad la socoto waa dufcadii koowaad ee loo tababbarayo maamulka Hawada dalka, waxaana ay gaarayaan 50 wiilal iyo hablo isugu jirta 14 Hargeysa ayay ka soo baxeen 10 Boosaaso ayay ka baxeen 27 maanta ayaan halkaan ka direynaa  waxaana ka rajeyneynaa in ay noqdaan kuwo anfaca dalkooda”ayuu yiri Mudane Gacal.

Mudane Cali Axmed Jaamac Jangali Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa la dar daarmay dhallinyarada ka hor inta aysan bixin waxaana uu u soo jeediyay in ay ka faa’iideystaan cilmiga la barayo oo ah mid ka mid ah cilmiga dunida ugu muhiimsan, isla markaana ay u diyaar garoobaan shaqo culus oo ay Qaranka u qaban doonaan. 

“Waxa aad aad baraneysaan waa mid ka mid cilmiga aduunyada ugu wanaagsan waaayo waxaa aad kala hageysaan diyaaradaha hawada maraya, dadkii cilmigaas yaqaanay waa shaqo gab, wixii hadda ka dambeeya waa adinka, cida badaleysa markaas waxaad ogaataan in aad tihiin qof kasta oo idinka mid ah safiir Soomaaliyeed si fiican uga faa’iideysta fursadaan muhiimka ah “ayuu yiri wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Xaflad Duco iyo Taageero oo lagu qabtey Minneapolis “SAWIRRO”

Next Post
Xaflad Duco iyo Taageero oo lagu qabtey Minneapolis “SAWIRRO”

Xaflad Duco iyo Taageero oo lagu qabtey Minneapolis "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In