Friday, June 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Duulista Hawada oo war ka soo saartay falkii ka dhacay garoonka Aadan Cadde

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Duulista Hawada oo war ka soo saartay falkii ka dhacay garoonka Aadan Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ka soo saartay dhacdadii maanta ka dhacday garoonka Aadan Cadde, taas oo sababtay in uu hakad ku yimaadaan diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka.

Warsaxafadeedka oo ka kooban hal bogga ayaa u dhignaa sida tan, “Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 06/03/2024 ka xuntahay falkii ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cabdulle kaas oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay kala kulmeen dib udhac ku yimid duulimaadyadii Gudaha ee sida maalinlaha ahaa uga duuli jiray Garoonka.

Related posts

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

June 5, 2026
WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026

Wasaaraddu, Dhammaadka Sanadkii 2022 waxay heshiis la gashay shirkadaha Diyaaradaha kaas oo ku saabsanaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha si loo saxo khaladaadka ka dhaca shirkadaha Diyaaradaha kuwaas oo saameyn ku yeesha Muwaadiniinta sida maalinlaha ah uga safra Garoonka Aadan Cadde, Khaladaadkaas waxaa ka mid ah;

Diyaaradaha oo ka dib dhaca wakhtiga duullimaadka, qeyb kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha oo aan haysan Diyaarado ay ku howl-galaan, Shirkadaha oo Shacabka u jara Tigidho ka badan tirada ay diyaaraddu qaaddo iyo iyaga oo aan dhowrin xuquuqda Muwaadiniinta xilliyada uu baaqdo duullimaadka. Sidoo kale in aysan ku dhaqmin jadwalka maalin-laha ee duullimaad-yada aada Goballada iyadoo dhammaan shacabka loo jaro tigidho isku wakhti ah, isla markaasna dhammaan Rakaabka Safraya ay ku soo xareeyan Garoonka salaada Subax ka dib.

Haddaba si loo saxo dhammaan khaladaadka aan kor kusoo xusnay Wasaaraddu waxay samaysay System casri ah, System-kaas oo faraya shirkadaha Diyaaradaha:-

• In System-ka ay kusoo gudbiyaan, nooca Diyaaradda ay isticmaalayaan si loo xaqiijiyo in shirkaddu ay haysato Diyaarad badqabta oo ay Rakaabka ku qaadi karto, sidoo kalana loo xaddido tirada Tikidhada ay diyaarad waliba qaadi karto.

• In ay system-ka kusoo gudbiyaan Xogta Rakaab-ka ay qaadayaan, si ay hay’adaha amnigu u hubiyaan.

Haddaba; Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u cadeyneynaa in dhacdadii maanta ay ka dhalatay kaddib markii ay shirkadaha Diyaaraduhu ay u hoggaansami waayeen awaamirta Wasaaradda, kana hor yimaadeen fulinta system-ka loo dajiyay iyaga oo diidaya in ay saxaan khaladaadka aan kor kusoo sheegnay.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay u xaqiijineysaa shacabka Soomaaliyeed inay ka hor-tegi doonto wax kasta oo dib u dhac u keeni kara Safarkooda iyadoo Wasaaraddu ay la xisaabtimi doonto shirkadahii iyo shakhsiyaadkii sababta u ahaa dib u dhaca.

 

Previous Post

Xildhibaannada Labada Aqal oo guda galay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in DFS ay gacanta ku heyso dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in DFS ay gacanta ku heyso dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Ra'iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in DFS ay gacanta ku heyso dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

June 5, 2026
0

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan yahay mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha, ganacsiga...

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In