Agaasimaha Waaxda Diiwaangelinta Gaadiidka (Rayidka) ee (PRA) ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Soomaaliya Mawliid Xuseen Cumar ayaa maanta goobjoog ka ahaa fagaare lagu gubayey Dokumiintiyo dhacay.
Dokumiintiyadan ayaa isugu jiray (liinsannada) Gawaarida (taarikooyinka) baabuurta (Buugaagta) baabuurta) iyo Waraaqo kale.
Tan iyo burburkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya kadib ayey Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada si toosa ugu hawlgashay (2007) Xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo dhismaheedu ku yaalo Degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.
Sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda Diiwaangelinta Gaadiidka (Rayidka) Mawliid Xuseen dokumiintyadan ayaa lagu urrurinayey (Maqsinno) loogu talagalay in lagu kaydiyo_laga soo bilaabo (2007) ilaa (2021) Waxaana keentay in looga maarmay madaama hada lagu shaqeeyo (electronic) (Computer) oo wax walbana halkaa lagu kaydiyo.
Arintan ayaa imanaysa xili Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ay ka samaysay dib u habaynt Xafiisyada u adeega dad waynaha.