Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadashay doorka Haweenka ee ciidanka xoogga dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadashay doorka Haweenka ee ciidanka xoogga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Haweenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay door muhiim ah ku leeyihiin sugidda Amniga iyo Difaaca Dalka, qaarkood waxa ay ka dagaalamayan furimaha hore si sare loogu qaado doorkaas ayaa munaasabad lagu xusayay sanad guuriadii 20aad ee qaraarka tirsigiisu yahay 1325 ee Qaramada midoobay kaaso oo soo baxay sanadkii (2000) kuna saabsan doorka haweenka ay ku leyihiin amniga iyo nabadda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaana kulanka kasoo qeyb galay Wasiirka Difaaca, Wasiiru Dowlaha Difaaca, Guddoomiyaha haweenka Qaranka Soomaaliyeed iyo sarakiil iyo saraakiil xigeen ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026

Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo ugu horeyn munaasbada ka hadlay ayaa sharaxay sida haweenka Soomaaliyeed ay laf dhabar ugu yihiin ciidanka xoogga dalka, wuxuuna tilmaamay in ay kordhin doonaan doorka haweenka ay ku leeyihiin Wasaaradda Gaashaandhiga iyo ciidanka xoogga dalka.

Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka ciyaaran sugidda Amaanka iyo Difaaca Dalka, waxayna tilmaamtay in ay yihiin tusaale wanaagsan oo mudan in lagu daydo.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudnae Xasan Xuuseen Xaaji ayaa balan qaaday in sare loo qaadi doono fursadaha haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin ciidanka xoogga, isla markaana tababarada darajooyinka iyo dhamaan waxkasta oo ciidanka xoogga dalka quseeyo qeyb weyn ka qaadan doonaan .

W/D Cabdifitaax Cabduqaadir Akhyaar

Previous Post

Ciidamada Mareykanka oo soo furtay muwaadin lagu heystay Waqooyiga Nigeria

Next Post

Maamulka Qansaxdheere oo ka warbixiyay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmadaas “Dhageyso”

Next Post
Maamulka Qansaxdheere oo ka warbixiyay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmadaas “Dhageyso”

Maamulka Qansaxdheere oo ka warbixiyay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmadaas “Dhageyso”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In