Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadashay doorka Haweenka ee ciidanka xoogga dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 31, 2020
in Wararka
0
Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadashay doorka Haweenka ee ciidanka xoogga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Haweenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay door muhiim ah ku leeyihiin sugidda Amniga iyo Difaaca Dalka, qaarkood waxa ay ka dagaalamayan furimaha hore si sare loogu qaado doorkaas ayaa munaasabad lagu xusayay sanad guuriadii 20aad ee qaraarka tirsigiisu yahay 1325 ee Qaramada midoobay kaaso oo soo baxay sanadkii (2000) kuna saabsan doorka haweenka ay ku leyihiin amniga iyo nabadda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaana kulanka kasoo qeyb galay Wasiirka Difaaca, Wasiiru Dowlaha Difaaca, Guddoomiyaha haweenka Qaranka Soomaaliyeed iyo sarakiil iyo saraakiil xigeen ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025

Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo ugu horeyn munaasbada ka hadlay ayaa sharaxay sida haweenka Soomaaliyeed ay laf dhabar ugu yihiin ciidanka xoogga dalka, wuxuuna tilmaamay in ay kordhin doonaan doorka haweenka ay ku leeyihiin Wasaaradda Gaashaandhiga iyo ciidanka xoogga dalka.

Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka ciyaaran sugidda Amaanka iyo Difaaca Dalka, waxayna tilmaamtay in ay yihiin tusaale wanaagsan oo mudan in lagu daydo.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudnae Xasan Xuuseen Xaaji ayaa balan qaaday in sare loo qaadi doono fursadaha haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin ciidanka xoogga, isla markaana tababarada darajooyinka iyo dhamaan waxkasta oo ciidanka xoogga dalka quseeyo qeyb weyn ka qaadan doonaan .

W/D Cabdifitaax Cabduqaadir Akhyaar

 

 

Previous Post

Ciidamada Mareykanka oo soo furtay muwaadin lagu heystay Waqooyiga Nigeria

Next Post

Maamulka Qansaxdheere oo ka warbixiyay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmadaas “Dhageyso”

Next Post
Maamulka Qansaxdheere oo ka warbixiyay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmadaas “Dhageyso”

Maamulka Qansaxdheere oo ka warbixiyay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmadaas “Dhageyso”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In