Warbixin lagu qoray wakaalada wararka ee AP ayaa lagu sheegay in Militariga Mareykan kordhin doono Taageerada iyo Xoojinta dhinaca Militariga ah Ciidanka Qaranka Soomaaliya si ay u baabi’yaan Qatarta Al-shabaab.
Sargaal Sare oo ka tirsan waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in ciidamada Mareykanka ay kordhin doonaan taageerada dhinac amniga ah ee ay ciidamada Mareykanka siiyaan Ciidanka Soomaaliya.
Sarkaalkan ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay in la cirib tiro kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab sidaa darteedna ay garab weyn siin doonaan ciidanka Milatariga Soomaaliya.