Wednesday, June 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga oo Kulan Soo Dhaweyn ah u Qabatay Wasiiru-dawlaha Cusub ee Dhawaan loo soo magacaabay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga oo Kulan Soo Dhaweyn ah u Qabatay Wasiiru-dawlaha Cusub ee Dhawaan loo soo magacaabay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan lagu soo dhaweynaayey Wasiiru-dawlaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo dhawaan loo soo magacaabay xilka Wasaaraddaasi, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee Muqdisho.

Kulankan, ayaa waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Xaamud Maxamed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyeyaasha, Agaasime Waaxeedyada iyo Marti-sharaf kale.

Related posts

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

June 16, 2026
Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

June 16, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in kulanka ujeedkiisu uu yahay soo dhaweyn ay Wasaaraddu ugu tallo-gashay Wasiiru-dawlaha cusub ee Wasaaradda oo dhawaan loo soo magacaabay xilka Wasaaraddaasi si uu u qabsado hawlahiisa shaqo ee Wasaaradda, waxaana uu xusay in Wasiiru-dawlahii hore ee xilkan hayey uu kulanka uga maqnaa safar uu wakhti hore ku tagay wadanka Ingiriiska islamarahaantanaa ay imaatinkiisa xanibeen diyaaradihii loo hakiyay COVID-19 awgeed.

Wasiiru-dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Xaamud Maxamed oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye uu maanta ku soo biro Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu sheegay inay ka mid tahay Wasaaradaha ugu balaaran dalka isla marahaantaana qeybta ugu weyn ka qaadata kobcinta dhaqaalaha dalka, waxaana uu Madaxda Wasaaradda ku ammaanay dedaallada ay wadaan ee ay ku horumarinayaan Ganacsiga Soomaaliya.

Wasiiru-dawlaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo dhankiisa halkaas kaga mahadceliyey kulanka soo dhaweynta ah ee loo sameeyey, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu qabto xilka Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaana uu sheegay in marka hore Wasaaraddani ay ahayd Wasaaraddaha ugu dhaq-dhaqaaqa badan ee wakhtiyadii uu ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-galbeeda Soomaaliya ay la socon jireen wax-qabadkooda wanaagsan.

Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, wuxu halkaas ka caddeeyey inuu door muhiim ah ka qaadan doono shaqooyinka socda ee lagu horumarinayo Ganacsiga Soomaaliya iyo weli ba sidoo kale inuu si dhow oo wanaagsan uu wada-shaqeyn buuxda u la yeelan doono Madaxda iyo Shaqaalah kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya In. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu  marka hore Wasaaradda ku soo dhaweynayo Wasiiru-dawlaha cusub ee loo soo magacaabay Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, waxaana uu halkaas war-bixin uu kaga siiyey shaqooyinka ay Wasaaraddu gacanta ku hayso, waxyaabaha u qabsoomay oo ay ugu horreeyaan dhinacyada shuruucda,  siyaasadaha iyo dedaalada lagu horumarinayo ganacsiga Soomaaliya.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo hadalka ku dheeraaday, wuxu sheegay in Wasaaraddu qabatay shaqooyin badan isla-marahaantaana ay Wasiiru-dawlaha cusub ka rajeynayaan inuu dhiig cusub ku sii shubo dedaallada socda ee Wasaaraddu wado, waxaana uu carabka ku dhuftay in madaxda iyo shaqaalaha kale ee Wasaaraddu ay diyaar u yihin inay si buuxda u la shaqeeyaan.

Wasiirka Ganacsiga wuxu uu halkaas ka boggaadiyey Wasiiru-dawlahii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dr. Daahir Cabdi Cabdullaahi Dr. Goo oo uu sheegay in uu muddadii uu xilkaas hayey uu si wanaagsan u la soo shaqeeyey Wasaaradda isla-marahaantaana uu mudan yahay amaan iyo boggaadin.

Previous Post

Banaan-bax lagu taageerayo codsigi Madaxweyne Farmaajo oo ahaa matalaada Gobolka Banaadir oo ka socda Muqdisho

Next Post

Wasaarada Maareynta Musiibooyinka oo tababar u furtay howlwadeenno ka shaqeynaya xarumaha digniinta musiibooyinka “SAWIRRO”

Next Post
Wasaarada Maareynta Musiibooyinka oo tababar u furtay howlwadeenno ka shaqeynaya xarumaha digniinta musiibooyinka “SAWIRRO”

Wasaarada Maareynta Musiibooyinka oo tababar u furtay howlwadeenno ka shaqeynaya xarumaha digniinta musiibooyinka “SAWIRRO”

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

June 16, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, 16 Juun 2026 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga...

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

Danjiraha Soomaaliya ee Hindiya oo ka qayb galay kulanka 28-aad ee guddida sare ee ururka IORA

June 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, oo matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka...

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In