Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga oo qabatay shir lagu horumarinayo Ganacsiga Dalka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
June 12, 2022
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga oo qabatay shir lagu horumarinayo Ganacsiga Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay shirka wada hadalka Dowladda iyo Ganacsiga gaarka ee Soomaaliya

Shirkan oo u jeedkiisu ahaa wada-hadalka dawladda iyo ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya isla-markaana si gaara u taabanayay siyaasadaha la xiriira Ganacsiga, Ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe iyo Warshadaha, ayaa waxa soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda DAI sidoo kalena uu taageerayey Midwoga Yurub.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Shirkan, oo ay kasoo qeyb-galeen Madaxda Wasaaradda, Ganacsatada, Ma’uuliyiin ka kala socda hay’adaha Dawladda iyo marti-sharaf kale, ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdicasiis Ibraahim Aadan, wuxuuna xusay Inuu hadafka shirkan yahay sidii loo dar-dar-galin lahaa isfahamka ka dhaxeeya Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed si loo horumariyo Ganacsiga dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheryraadka Badda XFS Mudane Maxamuud iyo Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Cabdirixmaan Galaambi oo iyagu halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Wada hadalka Dowladda iyo ganacsatada uu fure u yahay sare u qaadida iyo Horumarinta Ganacsiga dalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Shiikhuna Maye oo ugu dambayn shirka furay ayaa xusay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay dib u habeynta ganacsiga Soomaaliyeed oo ay Wasaaraddu waday mudooyinkii dambe, waxaana uu carabka ku dhuftay in ujeedkiisu yahay ganacsiga Soomaaliya la lee dahay qaaradda Afrika isla-mar-ahaantaana loogga qeyb-qaadan lahaa dedaalada socda ee is-dhex-galka dhaqaale iyo weli ba Aaga Ganacsiga Xorta ee Afrika.

Previous Post

Tababar socon doono muddo Seddex maalin ah oo Muqdisho laga furay

Next Post

Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga

Next Post
Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga

Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In