Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa maanta magaalada Nayroobi ka furay shir u dhaxeeya Wasaaradda iyo hay’adda IFC oo ka tirsan Baanka Aduunka.
Shirkan oo Agaasimaha ay ku wehelinayeen Madax ka tirsan Wasaaradda, ayaa hay’adda waxay ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa xidhiidhka iskaashi ee labada dhinac, horumarinta Ganacsiga iyo fududeynta wax dhoofinta.
Shirka, waxa kale oo ay kaga wada-hadleen siddii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda iyo shaqooyinka ay ka wada-shaqeeyaan labada dhinac ee khuseeya Ganacsiga iyo Maal-gashiga, maadaama wakhtigaan ay dawladda Soomaaliya u dhow dahay in laga cafiyo deynta.