Sunday, December 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo deeq raashin ah ku wareejisay Wasaaradda Haweenka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Ganacsiga XFS oo deeq raashin ah ku wareejisay Wasaaradda Haweenka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo weli wada dedaalkeeda ay ku garab istaagayso Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta, ayaa markii saddexaad kaga qeyb-qaatay taakulo ay gaarsiinayaan goobaha looggu talo-galay taageeridda Ciidanka, waxaana ay maanta Raashin iskugu jira Bur, Sonkor iyo Saliid ba ay gaarsiiyeen Xarunta Haweenka ee Taakulada Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo ah goob lagu diyaarinayo Raashin sahay looga dhigayo Ciidamada ka dagaalamaya furimaha hore.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo uu wehelinayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo), ayaa deeqdan taakulada ah ee raashinkaa ku wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo guddoomiyaha haweenka ee Gobalka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac oo mas’uul ka ah goobtan raashinka looggu diyaarinayo ciidamada ku jira halganka.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

December 28, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

December 28, 2025

Wasiir Jibriil oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in deeqdan raashinka ah ay kaga qeybqaadanayaan halganka socda isla-mar-ahaantaana ay ugu talo-galeen in haweenku ay ciidamada ugu diyaariyaan cuno sahay ah taas oo wax weyn ka taraysa hawl-galada socda, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay tahay markii saddexaad ee ay deeq gaarsiiyaan ciidamada xooga dalka ee naftood hureyaasha ah isaga oo tilmaamay inay sii wadi doonaan taakulaynta ciidankeena si dalka looga cirib-tiro Khawaarijta diin laaweyaasha ah.

Wasiirka Wasaaradda Xuquuqal Insaanka iyo Haweenka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa dhankeeda u mahadceliyey madaxda Wasaaradda oo ay ku amaantay garab istaagay u muujiyeen Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana hay’adaha kale ee dawlada na ay ugu baaqday inay ku daydaan Wasaaradda isla-mar-ahaantaana ay door muuqda ka qaataan garab istaaga Ciidanka ka dagaalamaya furimaha hore.

Marwo Jawaahir Baarqab oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa u mahadcelisay Wasaaradda, waxaana ay sheegtay in Raashinkani uu dhiirigelin u yahay Ciidanka isla-mar-ahaantaana uu wax weyn ka taraayo halganka lagu jiro iyada oo ka xog warantay shaqada ay halkan ku hayaan oo ah inay ciidamada u diyaariyaan raashin bisil oo qeybo ka mid ahi qalalan yihiin taas oo sahay fiican u noqon karta Ciidanka.

Wasaaradda, ayaa tan iyo markii uu bilaabmay Halganku, waxa ay door muuqda ka qaadanaysay garab istaaga Ciidamada, waxaana tiro ba laba jeer oo hore ay sidan oo kale raashin iskugu jira Timir, Kaluun iyo Saliid ba ay u gaarsiisay hoggaanka Saadka iyo Taakulaynta ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana ay tani noqonaysaa markii saddexaad ee Wasaaraddu garab istaag u muujiso Ciidankeena naftood hureyaasha ah.

 







Previous Post

Golaha Wasiirada oo meelmariyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda la gashay Sacuudiga iyo Koonfur Afrika

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga ”Ceel la-helay iyo Ceel-garas waa xor shacabku waa in ay dib ugu soo laabtaan”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga ”Ceel la-helay iyo Ceel-garas waa xor shacabku waa in ay dib ugu soo laabtaan”

Wasiirka Gaashaandhigga ”Ceel la-helay iyo Ceel-garas waa xor shacabku waa in ay dib ugu soo laabtaan”

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

Madaxweyne Xasan oo qaabilay madaxda Ururrada Siyaasadda ee ka qeybgalay Doorashada

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay, Madaxda 20-ka Urur siyaasadeed ee ka qayb galay,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyay Xildhibaannada BJFS

December 28, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bartiisa qoraal uu soo dhigay ku bogaadiyey kulankii maanta. Waxaan...

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta Villa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In