Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda gargaarka oo deeq gargaar ah u dirtay Sool iyo Sanaag

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda gargaarka oo deeq gargaar ah u dirtay Sool iyo Sanaag
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo ka dhacday Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xildhibaanno ka tirsan Baarlabaanka ay ku gudoomeen deeqdan oo isugu jirta Dawo iyo agabka hoyga loo isticmaalo oo ay Wasaaradda ugu tala galashay in la gaarsiiyo dadka u baahan

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Mudane Cabdirashiid Maxmuud Xasan oo ka hadlay munaasabadda deeq wareejinta ayaa tilmaamay in Wasaaradda ka go’antahay in wixi tabarteeda ah ay la gaarto kuwa u baahan gargaarka

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026

Deeqdan ayaa waxaa Wasaaradda ka gacan siiyay hey’adda qaxootiga ee UNHCR, waxaana wasaaraddu sheegtay inay kordhin doonto kaalmada la gaarsiinayo gobolladaasi, si looga jawaabo baahiyaha bini’aadanimo ee ka jira.

 “Wasaaradda waxa ay xoogga saareysaa sidii loo adkeyn lahaa awoodda bulshooyinka ku nool deegaannada fog fog si ay itaal ugu yeeshaan in ay iyaga iscaawinkaraan, iyada oo ay sidaasi tahay hadana waxaa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay bixineysaa adeegyada asaasiga ah si loo caawiyo dadka u baahan gargaarka,” ayuu yiri sii hayaha wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Xildhibaan Cabdirashiid Maxmuud Xasan

Dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada, sida fatahaadaha, abaaraha soo laalaabtay iyo kaabayaasha dhaqaalaha bulshada oo aan wali xoogaysan ayaa dad badan ku qasbaya wali inay ku tiirsanaadaan kaalmada bini’aadanimo ee hay’aduhu bixiyaan iyo kaalmada dawladda.

Tags: Wasaaradda gargaarka oo deeq gargaar ah u dirtay Sool iyo Sanaag
Previous Post

Kulanka 26-aad ee Golaha Shacbaka oo Goordhaw Furmay+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

August 24, 2026
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan XDS

August 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed, ayaa Muqdisho tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO DAAHFURAY SHIRKA HORUMARINTA WAXBARASHADA KOONFUR GALBEED

August 24, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirka Horumarinta Waxbarashada Koonfur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In