Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Gargaarka XFS Oo Agab Loogu Talagalay Isbedelka Cimilada Gaarsiisay  Kismaayo+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Gargaarka XFS Oo Agab Loogu Talagalay Isbedelka Cimilada Gaarsiisay  Kismaayo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa wado olole dowlad-gobaleedyada loogu sameynayo xarumaha sii saadaaliya halisyada musiiboooyinka.

Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda federaalka Soomaaliya  ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dajiyay agab muhiim u ah in lala socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025

Mudane  Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad-gobaleedyada si hey’addaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.

Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakero sidii loo xoojin lahaa dhismaha hey’addaha si ay  u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka gaarsiin karaan bulshada

Waxa uu tilmaamay in dadaalkan qeyb ka yahay fulinta siyaasadda qaran ee Maareynta musiibooyinka oo uu ansaxiyay Baarlabaanka Soomaaliya bishii March ee 2017kii.

Tallaabadan ayaa sidoo kale waxey qeyb ka tahay fulinta ballan-howleedka caalamiga ah ee Sandi-framework qodobkiisa “G” oo dhigaya in dowladaha sameystaan xarumaha ka sii diga musiibooyinka.

“Soomaaliya kuma sii jiri karto musiibooyinka isu badbadala sida abaar, fatahaad iyo dabeylo (oo hadda nagu soo batay), dowladda Soomaaliya waxey go’aan ku gaartay  in la helo xal-waara, waxey taasi waajib ka dhigtay in aan ka wasaarad ahaan guntiga dhiisha isaga dhigno sidii loo heli lahaa hey’addo karti leh, awooda in ay ilaaliyaan nafta, duunyada iyo ilaha-nololeed ee uu qarankan ku tiirsanyahay.” Sidaasi waxaa yiri sii hay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa.

Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda qorsheynta dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay agabkan ay gaarsiisay wasaaradda.

Sarkaal u hadlay wasaaradda ayaa sheegay in agabkan uu wax weyn ka badali doono siyaabihi ay digniinaha u gaarsiin jireen bulshooyinka ku nool gobalada iyo degmooyinka jubaland.

“Waxaan u mahadcleinaynaa wasaaradda oo maanta ina soo gaarsiisay agab isugu jira kombuutarro, shaashado lagala socda habka-isbadalka cimilada iyo aalado kale oo muhiim u ah noona fududeynaya gudashada waajibkeenna.” Ayuu yiri

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa agabkan ugu tala-gashay in la gaarsiiyo dhammaan dowlad-gobaleedyada iyo gobalka banadir.

Dowladda Soomaaliya ayaa darar galisay dadaalka lagu dhisayo awoodda wax-qabad ee hey’addaha ka shaqeeya maareyna musiibooyinka heer dowlad-gobaleed.

 

 

 

 

 

Tags: Wasaaradda Gargaarka XFS Oo Agab Loogu Talagalay Isbedelka Cimilada Gaarsiisay  Kismaayo+Sawirro
Previous Post

Horjooge Sare Oo ka Tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Duqeyn Cirka Ah

Next Post

Al-Shabaab senior leader Kills in Middle Jubba Somalia.

Next Post
Al-Shabaab senior leader Kills in Middle Jubba Somalia.

Al-Shabaab senior leader Kills in Middle Jubba Somalia.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Oo Hawlgal Ka Dhan Ah Khawaarijta Ka Sameeyay Jubbadda Hoose

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA HOOSE): Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka fuliyay magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada caasimadda

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay qaad kamid ah bulshada magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In