Ololaha ka hortagga tacadiga ka dhanka ah jinsiga ayaa ah mid looga soo horjeedo in la dhibaateeyo Haweenka iyo Caruurta islmarkaana Bulshada laga wacyi galiyo sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen cirib tirka tacdiyada loo geysto xaquuqda Caruurta iyo Haweenka.
Agaasimaha guud ee wasaradda Hawenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeq Suleymaan Yuusuf oo ka hadlaayey madasha daahfurka ololahaan 16-ka maalmood ee tacdiga ka dhanka ah jinsiga ayaa sheegay in Wasaaradda Haweenka ay dar dar galin doonto Barnaamijiyo wacyagalineed oo Bulshada looga wacyagalin doono sidii loo ciribtiri lahaa tacadiyadda ka dhanka ah Bulshada.
25-ka bisha Novembar sanad waliba ayaa ah maalinta aduunka loo asteeyey ka hortagida tacadiyadda loo geysto Haweenka iyo Caruurta.
Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanha xukumadda Soomaaliya Deeqa Yaasin Xaaji Yuusuf oo si rasmi ah u daahfurtay ololahaan ayaa sheegtay in sharciga ka hortaga tacadiga jinsiga uu leeyahay muhiimad gaar ah.