Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Haweenka oo diyaarineysa siyaad Qaran oo xagga gudniinka gabdhaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Haween tababar loogu soo xiray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan wada tashiga ah ee ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuququl insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga tashanayaa siyaasadda Qaran ee gudniinka gabdhaha, waxaana kulanka ka qeyb galay wakiilo ka socday maamul goboleedyada dalka ka jira iyo ururrada bulshada rayidka.

Furitaanka kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda federaalka soomaaliya, Wasiir ku-xigeenka iyo agaasimaha guud ee Wasaradda, waxaana looga hadlay dhibaatada bulshada gaar ahaan gabdhaha uu ku haayo gudniinka fircooniga ah.

Related posts

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

January 26, 2026

Drs Nuurto Sheekh Maxamuud ayaa ka hadashay marxaladihii uu soo maray dadaalka lagu cirib tirayo gudniiinka fircooniga ah iyo hada sida loogu baahanyhay in lasii xoojiyo

“Marxaladii ugu horeysay ee lasoo maray waxa ay aheyd 2004,tii dowladii KMG aheyd oo shirar caalami ah oo laga hadlayo la qabtay, waxaana joogay dad qubaro ah oo caalamka ka yimid iyo kuwa Soomaaliya joogay intaba, intaas intii ka horeysay iyo intii ka dambeysayba si aad ah ayaa gudniinka fircooniga ah loola dagaalamay”.

Agaasimaah guud ee Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya Maxamed Cumar Nuur ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadaha soo socda ololaha la dagaalanka gudniinka fircooniga ah guulo laga gaari doono.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya Muumina Sheekh Cumar ayaa sheegtay in Wasaaradda ay dadaal ugu jirto sameynta sharciga ka hortaga gudninka fircooniga ah.

“Waxa aya Wasaaradda maanta u taagantaahy in la helo sharci lagu hagayo gudniinka fircooniga ah, waad ogtihiin gabdhaha Soomaaliyeed dhibaatada ay kala kulmaan gudniinka fiircooiga ah, marka maanta waxaan u taaganahay in arinaas sharci rasmi ah laga soo saaro”.ayay tiri Wasiir ku-xigeenka Haweenka.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in Wasaaradda haweenka ay ka go’antahay cirib tirka gudniinka fircooniga ah.

“Waxaan idinka codsanayaa maskax iyo caqli idin kuma yara, waxaan halkaan u fadhinaa inaan soo afjarno, sheekadaan iska daba dheeraatay ee gudniinka fircooniga ah la xiriirta oo aan kasoo saarno sharci rasmi ah”.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saareyso in la helo sharciga ka hortagga xadgudubka dumarka.

Previous Post

Baarlamanka oo ka dooday Been Xalaalaynta Lacagaha iyo Maalgalinta Argagixisada

Next Post

Safiirka Britain ee Soomaaliya oo kulan la qaadatay madaxda maamulka KMG ah ee Jubbaland

Next Post
Safiirka Britain ee Soomaaliya oo kulan la qaadatay madaxda maamulka KMG ah ee Jubbaland

Safiirka Britain ee Soomaaliya oo kulan la qaadatay madaxda maamulka KMG ah ee Jubbaland

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka

January 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS , Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay munaasabadda daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Baahiyaha Beni’aadaannimo...

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

January 26, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya. waxaana oggolaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In